Muuse Biixi oo ‘dalka’ kaliya ee aqoonsan Somaliland ka dalbaday tallaalka Covid-19

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka iskiis ugu dhawaaqay gooni isu-taaga ee Somaliland Muuse Biixi ayaa kulan uu magaalada Hargeysa kula yeeshay wafdi ka socday jaziiradda Taiwan iyo safiirkeeda u fadhiya Somaliland ka dalbaday inay gacan ka geysteen sidii Somaliland u heli laheyd tallaalka cudurka COVID-19 ee faraha ba’an ku haayo caalamka.

Muuse Biixi iyo wafdiga safiirka Taiwan ee Somaliland Ambassador Allen C. Lou ayaa si qoto dheer ugu wada hadlay xaaladda cudurka COVID-19 iyo arrimaha waxbarasho ee ardayda jaamacaddaha ka qalan jibyay, iyadoo kulankaasina la isla gartay in Taiwan ay taageero siin doonto ardayda Somaliland oo deeqo waxbarasho hada kadib u aadi doona Taiwan.

Safiirka ayaa balan qaaday in dowladdiisa uu la wadaagi doono sidii gacan loogu geysan lahaa in Somaliland ay hesho tallaalka COVID-19 kahor inta dalalka Africa lasoo gaarsiin.

Jaziiradda Taiwan ayaa dhawaan waxay aqoonsi aan caddeyn u muujisay maamulka Somaliland ee iskiis ugu go’ay Somalia inteeda kale, iyadoo mudo 30 sano ah dunida ka weysan wax aqoonsi ah. Taiwan oo Shiinaha uu sheego inuu yahay gobol ka tirsan ayaa waxaan aqoonsaneyn dalal badan.