Ganacsato Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay dalka KOONFUR AFRIKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii ay dil & dhaawac dalkaasi ugu geysteen ganacsato Soomaali ah.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu beesgaday muwaadiniintaasi Soomaaliyeed uu ka dhacay magalada Durban ee gobolka Kwazulu Natal ee wadanka Koonfur Afrika.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo kaleo oo dhammaan ah Soomaali.

Marxuumka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cilmi Dhagoole Xaashi, kaas oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in burcadda ka dambeysay falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib, iyadoo ay goobta gaareen ciidamada Booliiska.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa kuu sii badanayey Koonfur Afrika weerarada ka dhanka ah Soomaalida iyo boobka loogu geysanayo magaalooyinka dalkaasi.