Madaxweyne Farmaajo oo digniin u diray dowladdaha iyo Shirkaddaha shisheeye

Muqdisho -(caasimadda online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaankii Kalfadhiggii saddexaad ee labada Aqal ee Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrimo dhowr ah, isaga oo digniin u diray dowladdaha iyo Shikaddaha Shisheeye.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin in dalka shirkado iska maamushaan ama ay ka fuliyaan mashaariic aysan ogeyn dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Shirkadaha shisheeye ee doonaya in ay maalgashadaan dalka in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka aqbaleyn in ay ku soo xadgudbaan Madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

“Soomaaliya waxey diyaar  u tahay maal-gashi iyo ganacsi ay la wadaagto caalamka, cid kastoo dooneysa iney maal gashato Soomaaliya waa iney ogolasho ka hesho hey’adaha sharciga ah ee dowladda, waxaan uga digayaa wadamada iyo shirkadaha shisheeyey ineysan ku xadgudbi karin Qarannimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyey madaxweyne Farmaajo.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo aadaya xili weli ay taagan yahay xiisada u dhaxeysa dowadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Shirkada DP World ee laga leeyahay Wadanka Imaaraadka Carabta taas oo ka dhalatay heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Dowladda Itoobiya,Shirkada DP World iyo Maamulka Soomaaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com