Madaxweyne FARMAAJO wuxuu sharaf tiray naftiisa, safiirkiisa iyo Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta magaalada Nairobi kula heshiiyey dhiggiisa Kenya Uhur Kenyatta in lasoo celiyo xiriirka labada dal, kadib markii xalay ay Naiorbi tageen isaga iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Waan soo dhoweynaynaa in Soomaaliya iyo Kenya ay xaliyaan xiisadda ka dhex-oogan ee Kenya ay billowday, hase yeeshee waxaan la yaabannahay sida wax u socdaan iyo waxa ku dhacay madaxweynihii Soomaaliya ee qaladaadkan tirada badan uu ugu dhacayo.

Ka hor inta aan guda gelin waxa ka qaldan tallaabooyinka Farmaajo, marka hore aan xusuusanno dhowr arriimood.

1 – Kenya waxay sheeganeysaa dhul-badeed ay leedahay Soomaaliya.
2 – Kenya waxay sharafta ka qaaday oo ay soo cayrisay safiirkii Soomaaliya.
3 – Kenya waxay Soomaaliya ugu hanjabtay cunaqabateyn
4 – Kenya waxay Soomaaliya ka dalbatay raali-gelin, inkasta oo ayada ay dhibaatada abuurtay.
5 – Kenya waxay dalbatay in Soomaaliya ay ka laabato kiiska maxkamadda oo wada-hadal lagu dhameeyo dhul-badeedka ay sheegatay.

Ayada oo arrimahaas oo dhan ay jiraan, maxaa madaxweynaha Soomaaliya ku qasbay intan qalad ah.

Wuxuu ka dhoofay dal kale

Ma ahan nidaam diblomaasiyeed sax ah, in madaxweyne uu dal u socdaallo isaga oo ka baxaya dal kale. Nidaamku waa inuu dalkiisa kusoo laabato marka hore kadibna ka dhoofo. Waxaase yaab leh, in markii Farmaajo uu u tegay Abiy Ahmed ee uu ku yiri “Soo bax i raac, waxaan kuu gaynayaa Uhuru Kenyatta, oo wada hadla” kadibna Farmaajo uu aqbalay.

Xusuusnow, arrinta ma ahan sidii ciyaalka xaafadda oo kale, oo markii aad wiil saaxiibkaa ah, oo aad gurigiisa ugu tagtay ku yiraahdo “Na keen hebel gurigiis aan aadnee, oo aad iska raacdo”

Wuxuu sharaf tiray safiirkiisa

Kenya waxay soo cayrisay safiirkii Soomaaliya Tarsan, kadibna waxay dalbatay wada-hadal. Ka hor inta aan wada-hadal la gelin, cidda xiriirka goysay waxay ahayd Kenya, ayada ayayna ahayd inay soo celiso. Kenya ayey ahayd in Soomaaliya ka raali-geliso cayrintii safiirkeeda, kadibna u ogolaato inuu soo laabato, markaas kadibna wada-hadal la galo.

Hadda waxaa muuqata in cayrintii Kenya ee Tarsan oo ujeeddada laga lahaa ahayd wada-hadal lala galo ay si fudud ugu suurta-gashay, ayada oo Farmaajo uu maray waddadii ay u jeexday dowladda Kenya.

Wuxuu sharaf tiray naftiisa

Kenya waxay xoog ku haysataa baddii Soomaaliya, waxayna soo cayrisay safiirkii Soomaaliya. Waxaan la yaabannahay waxa madaxweynaha Soomaaliya ku qasbay inuu Uhuru Kenyatta ugu tago fadhigiisa. Xitaa haddii Farmaajo ogolaaday inuu wada-hadal galo ayada oo xaaladda sidan ay tahay, muxuusan u dalban in Uhuru ugu yimaado Muqdisho. Xusuusnow, cidda dhibaatada billowday waa Kenya, xusuusnow cidda wada-hadalka dooneysa waa Kenya oo ka codsatay Abiy Ahmed inuu kasoo dhameeyo Farmaajo.

Farmaajo wuxuu haystay kaarar badan oo uu cayaari karo, uguna muujin karo Kenya in Soomaaliya aan la handadi karin, wuxuuse u ekaaday in isaga uu yahay kan dhibka abuuray ee xalka raadinaya. Xusuusnow Uhuru Kenyatta wuxuu Addis Ababa ka tagay maalin un ka hor intii uusan Farmaajo iman, xitaa haddii Uhuru uusan Muqdisho imaneyn, muxuusan maalin kale usii joogin Addis-Ababa, oo Farmaajo halkaas kula hadal. Waxa uu hadda u dhaqmay sida nin isaga loo baahan yahay, oo markii la yiri “hebel baa kuu habboon” ku jawaabay “Isaga ayaa dan leh ee gurigayga ha iigu yimaado”

Waxan oo idil waxaa ka walaac badan xaqiiqda ah in Farmaajo wada-hadal la furay Uhuru Kenyatta. Waan ogahay in dowladdu sheegtay in arrinta badda aysan wada-hadal ka gelin, balse waxaan is-weydiinayaa maxaa kale oo Kenya lagala hadlay, ileen wax kale, oo aan badda ahayn la iskuma hayee? Xusuusnow, Farmaajo wuxuu ka tagay dal kale, oo safarkan uma diyaarsaneyn. Lama socdo wasiirkiisii arrimaha dibedda, lama socdaan sharci-yaqaanno ka ilaaliya qaladaadka iyo halista ka dhalan karta warqad kasta oo uu saxiixo. Ogow sharcigu waa wax yaab leh, hal erey oo aad si sahlan isaga saxiixdo ayaa halis kugu noqon kara mustaqbalka.

Sidee wax ku haboonaan lahaayeen?

Markii Farmaajo ka aqbalay Abiy Ahmed wada-hadal uu la galo Kenya, waxay ahayd in marka hore kulmaan wasiirada arrimaha dibedda labada dal oo ay xaliyaan wixii dhacay, dibna loo billaabo xiriirkii diblomaasiyeed. Kadib labada dal dib usoo celiyaan labadii safiir ee Muqdisho iyo Nairobi. Markii intaas ay dhacaan, kadib la diyaariyo kulanka labada madaxweyne,oo haddiiba ay dhacdo in Farmaajo noqdo qofka safraya, uu Uhuru u tago isaga oo booqanata dal xiriir wanaagsan kala dhaxeeya, ee sida hadda oo kale uusan nin dagaal kala dhaxeeyo gurigiisa ugu galin.

Xaqiiqdii waxaan dareemaynaa in Farmaajo naftiisa, safiirkiisa iyo Soomaaliyaba sharaf tiray.

Tifaftirka Caasimada Online