Madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saaray geerida Suldaan Axmed Rashiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shucayb.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu kamid ahaa tiirarka dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka muuqda kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta, adkeynta wadajirka shacabka iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb ayaa saaka waaberigii ku geeriyooday magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle, halkaasi oo isla maanta lagu aasay.

Suldaanka ayaa kamid ahaa odey dhaqameedkii ka qeyb-galay shirkii Carta ee dib loogu yegleelay dowladda Soomaaliya sanadkii 2000.

Waxa uuna kaalin muuqata ku lahaa dadaallada dib-u-heshiisiinta ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa xulista xildhibaannada reerkiisa ku matala barlamaanka Soomaaliya iyo kan gobolleedka Hirshabeelle, isaggoo kamid ahaa 135-ta odey ee u diiwaan-gashan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.