Sawirro: DF iyo Turkiga oo arrin muhiim ah hoosta ka xariiqay – xogta kulan xasaasi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah xarunta wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya kula qaatay mas’uuliyiin wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markabka dagaalka ee shalay soo gaaray Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa qorsheyn iyo qaabeyn lagu dhiraan-dhirinayo hannaanka fulinta qodobo kamid ah heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan arrimaha tababarrada iyo taakuleynta ciidamada.

Kulankaas oo intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ciidamada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Madey Nuurey Sheikh iyo saraakiil kale.

Kulankaan waxaa ka horeeyey mid xalay uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo casho sharaf ahaa, kulankaas ayaa xalay ka dhacay Hotel Decale oo ku yaalla xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markabka dagaalka oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ku soo xirtay dekedda.

Markabkaas dushiisa ayaa shalay lagu qabtay munaasabad lagu kala saxiixday dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya, waxaana madaxdii ka qeyb gashay ugu sareeyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay saraakiisha Tukida ah u sheegay in Markabka Difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa iskaashiga iyo walaalnimada Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadaljeedintiisii shalay ku yiri, “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed.”