Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray nabadoono lagu dilay weerarkii Masagawaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray nabadoono ay kooxda Al-Shabaab shalay ku dishay weerarkii qaraxyada ku billowday ee ku qaaday deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa waxa uu tacsi u diray qoysaska iyo ehellada Nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljiree oo ay argagixisadu ku dishay weerarkii shalay ee Masagawaa.

Xasan ayaa waxa uu sheegay in falkan bahalnimada ah ee Al-Shabaab ay kula kaceen Nabaddoonnada birmo-geydada ah ay ka tarjumeyso cadaawadda iyo arxan-darrada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan, ayna tahay in qofkasta uu u istaago sidii dalka looga xoreyn lahaa.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Masagawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse maanta ay dhowdahay guushu, maadaama kooxda Al-Shabaab laga sifeeyey deegaanno badan oo dhowr iyo tobon sano ay ku dhibaateynayeen dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey muwaadiniinta ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, waxa uuna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso.

Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday Masagawaa oo dowladda ay sheegtay inay fashiliyeen ciidamadii halkaasi ku sugna, ayaa waxa ka dhashay khasaare horleh oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen gobolka Galgaduud, kaas oo ay deegaano horleh kula wareegeen ciidamada huwanta.

Labo maalin kahor ayay aheyd markii dagaal qaraar oo jlibka la’isku dhigtay oo ka dhacay deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Waxaa haatan koonfurta iyo bartamaha dalka ka socda howl-gallo culus, iyada oo la filayo in dhawaan uu si rasmi ah u billowdo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.