Rag hubeysan oo xalay lagu qabtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay laba nin oo ku hubeysanaa qoryaha AK47, isla-markaana dhac baahsan u geysanayay dadka deegaanka.

Mid kamid ah ragga lasoo qabtay ayaa ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, halka kan kalena uu ku howlgalayay burcadnimo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Booliska.

“22/4/ 2023 abaaro 10:25pm waxeey gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Boliiska Saldhigga Wadajir 1:Cabdiraxiin Aaran Cabduqadir ka tirsan ciidanka Xoogga dalka 2: Abshir Cali Nuur ku howlanaay burcad nimo kuwaas oo ku hubeysan Qori Ak 47 iyo qori faal ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Boolisla gobolka

Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in raggan la horgeyn doono maxkamad, kadibna laga qaadi doono tallaabo adag oo sharci ah.

“Waxaana la horgeyn doonaa cadaaladda” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska ee lagu faahfaaahiyay howlgalkaasi.

Dhanka kale taliska qaybta Booliska ee gobolka Banaadir ayaa farriin u diray shacabka Muqdisho, wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka ee dowladda.

“Muwaadin kusoo wargali Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed cid walba oo amniga caasimada dhib ku ah, adigoo soo wacaya nambarka gaaban ee 991.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa gudaha caasimada ka socday howlgallo culus oo lagu xaqiijinayo amniga, ayada oo qayb ahaan amniga magaalada Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Uganda.