Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ergey ay usoo dirtay SUDAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay Ergey ka socday Golaha Sare ee dalka Sudan, Danjire Dafcallah Alxaaji Cali oo soo gaaray Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka ka socda Sudan, xiriirka labada waddan iyo xaaladda guud ee gobolka.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ergeyga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliya uga walaacsan tahay iska-hor imaadka hubaysan ee weli ka socda dalkaasi.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhammaan walaalaha Sudan in ay joojiyaan dagaalka, fursadna siiyaan wada-xaajoodyada iyo xalka nabadda.

Waxa kale oo kulankan lagu soo qaaday xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Labada dal oo dano wadaag ah iyo sidii sare loogu sii qaadi lahaa.

Dhanka kae, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay sida dowladda Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin nabadda, midnimada iyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka Sudan.

Waxa kale oo uu xaqiijiyey in codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee IGAD, Midowga Afrika iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ku garab istaagayso dowladnimada iyo xasilloonida dalka Sudan.

Xaaladda Sudan ayaa weli cakiran, waxaana awooda isku hayo labada janaraal ee kakla ah Cabdulfataax al-Burhan iyo Maxamed Xamdan Dagalo, oo loo yaqaano Xamadi.

Si kastaba, dowladda Sacuudiga ayaa la filayaa inay marti-geliso wada hadalkii ugu horreeyay ee fool ka fool ah, kuwaas oo u dhexeeya labada janaraal ee hoggaaminaya ciidamada ku dagaallamaya Sudan, ka dib markii dhowr xabad joojin ay burburtay.