Daawo: Maamulka Gobolka BANAADIR oo soo saaray wargelin cusub oo ku socota…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray wargelin cusub oo ku socota Bajaajleyda iyo iskaashatoooyinka kala duwan, kaasi oo la xiriira dhaqan-gelinta go’aanadii kasoo baxay Golaha Wasiiradda ee Mooto Bajaajta.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhinacyadan ku wargeliyay in howsha midabeynta Mooto Bajaajta, ee looga dhigayo A iyo B ay ku eeg tahay maalinta Isniinta ee taariikhdu ku beegan tahay 15-ka May 2023-ka.

Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la wadaagay wareegto kasoo baxday maamulka gobolka ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in tallaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono cid alaale cidii u hoggaansami weysay amaradan kasoo baxay dowladda Hoose ee Xamar.

“Waxaa isdiiwaan-geliyay illaa kumanaan Mooto Bajaaj oo ka howl-gala magaalada Muqdisho, maamulka gobolka Banaadir waxa uu ku wargelinayaa dhamaan qeybaha kala gedisan ee milkiilayaasha iyo guddiyada iskaashatooooyinka Mooto Bajaajta in laga bilaabo 15-ka bishaan aan magaalada Muqdisho loo ogoleyn inay ka dhex shaqeyso Mooto aan haysan midabeynta loogu tala-galay in lagu maareeyo Mootooyinka magaalada ka howl-gala ee Bajaajta loo yaqaano.”

Afhayeenka ayaa intaas kusii daray “Milkiilayaasha waxay fursad u haystan illaa inta laga gaarayo 15-ka bisha inay ku fuliyaan awaamiirta ay hore u soo saartay maamulka gobolka Banaadir ee ah in la midabeeyo Mootooyinka si ay u qaatan A iyo B, ciddii u hoggansami weyda waxaa lala tiigsan doona sharciga.”

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu faray dhammaan milkiilayaasha iyo shirkadaha Mooto Bajaajta ee weli aan isdiiwaan-gelin ay iska diiwaan-galiyaan goobaha maamulka gobolka iyo dowladda Hoose ee Xamar ay u asteeyeen diiwaan-galinta Mooto Bajaajta.

Golaha Wasiirada ayaa 30-kii March ee sanadkaan ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mooto Bajaajta, kaasi oo ka koobna 5 qodob oo lagu xaddidayo mootooyinka ku soo badanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Qaraarkan ayaa dhigaya in aan dalka laga soo dejin karin Mooto Bajaajta si kumeel-gaar ah iyo in la tiro koobo Mooto Bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B), shaqadaasi oo xilligaas goluhu fulinteeda u igmaday maamulka gobolka Banaadir.