DENI oo sameeyay dhagax dhig, iskuna maray 2 degaan

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada Garoowe-Garacad, isaga oo muujiyey muhiimada ay wadadan u leedahay bulshada ku dhaqan maamulkaasi.

Masuuliyiin ka socotaya laamaha kala duwan ee dowladda iyo odayaasha deegaanka ayaa goobjoog ka ahaa dhagax dhiga wadadaani.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa intaas kadib usii gudbay deegaanada Awrculus iyo Garyaqaan ee degmada Garoowe, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweyay.

Deni oo fagaare kula hadlay bulshadii soo dhaweysay, ayaa ku baaqay in dadka deegaanku iay isku diyaariyaan doorashada goleyaasha deegaanka ee 25-ka May ee sanadkaan 2023-ka.

Waxa uu muujiyay in dadka oo codeeya oo madaxdooda doorta ay tahay waxa ugu weyn ee dowladda laga sugayey, aidaasi darteed loo baahan yahay in bulshadu fursadan ka faa’ideystaan.

Waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee deegaanka Awrculus, ayaa uga mahad-celiyay madaxweynaha booqashada taariikhiga ah, dhismaha wadada Garoowe iyo Garacad oo deegaanka maraysa iyo fursada ay bulshadu ku dooranayso Madaxdooda.

Intaas kadib waxa uu madaxweyne Deni soo kormeeray dhismaha saldhiga Booliska ee deegaanka Awrculus oo muhim u ah deegaannada howdka gobolka Nugaal, wuxuuna amray in dhakhso loo dhameystiro shismaha saldhiga oo hadda meel wanaagsan maraya.

Socdaalkan madaxweynaha Puntland uu ku maray deegaanadan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gudaha maamulkaasi, kaasi oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka.