Villa Somalia oo shaacisay ujeedka rasmiga ee safarka Xasan ee Garoowe + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socdo oo aad u kooban ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland, iyadoo kadib loo galbiyey qasriga madaxtooyada.

Villa Somalia ayaa shaacisay in ujeedka safarka madaxweynaha oo yahay u kuur-galidda xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, dardargelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo dhageysiga talooyinka la xiriira dowladnimada ee ay qabaan bulshada Puntland, taas oo aas-aas u ah hiigsiga Madaxweynaha ee Soomaali Heshiis ah.

Madaxweyne Xasan ayaa kulammo la qaadanaya Madaxda Dowlad-goboleedka Puntland, waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dul istaago xaaladda bulshada Puntland, baahiyaha ay qabaan, doorkooda horumarineed ee dalka iyo hirgelinta dowladnimada.

Dhinaca kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa Xasan Sheekh ka shaqeynayo isu soo dhowaanshaha dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, ayada oo la rumeysan yahay in madaxweyne Saciid Deni aanu qanacsaneyn wixii ka dambeeyey markii Xasan Sheekh dib loo doortay. 

Saciid Deni ayaa aad u rajeynayey inuu helo xilka ra’iisul wasaaraha ama la siiyo maamulka Puntland. Labadaasba ma dhicin, wuxuuna madaxweynaha xilka ra’iisul wasaaraha siiyey Xamza Cabdi Barre oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Huruuse iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Safarka madaxweynaha ee Puntland ayaa noqday kiisii saddexaad ee uu ku tegayo maamul goboleedyada, tan iyo markii dib loogu doortay doorashadii 15-kii May, wuxuuna horey u soo booqday dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Galmudug.

Booqashada madaxweyne Xasan ayaa ku soo aadeyso xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka jiraan daruufo amni iyo xaalado nololeed oo ay sababeen abaaraha.