Xog: Khilaaf ka dhex qarxay wasiir Ilyaas iyo Laftagareen iyo Laftagareen oo amray in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf culus ayaa ka dhashay balan-qaad uu dhawaan wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Ilyaas Cali Xasan u sameeyey bulshada uu metelo ee ku nool degmada uu ka soo jeedo ee Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Bay.

Khilaafkaas ayaa u dhaxeeya Wasiir Ilyaas oo dhinac ah iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo adeegsanaya masuuliyiinta maamulkii uu u magacaabay degmada Buurhakaba iyo xubno kale oo Koonfur Galbeed xilal ka haya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, khilaafkaan wuxuu salka ku hayaa balan-qaad uu Ilyaas Cali Xasan u sameeyey bulshada degmada Buurhakaba oo Al-Shabaab u go’doonsan sanado badan, isla markaana aan laheyn garoon diyaaradeed, maamul ay soo doorteen ama gole deegaan, sidoo kelena aan la gaarsii karin wax gargaar ah.

Bulshada uu ka soo jeedo ee reer Buurhakaba oo Ilyaas dhowaan Muqdisho ugu sameysay xaflad soo dhaweyn ah, markii loo magacaabay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha XFS, ayuu ka balan qaaday inta uu joogo xafiiska inuu gacan ka gaysan doono in magaalada Buurhakaba ay yeelato maamul iyo dhismaha garoon diyaaradeed, maadama ay degmadaas Al-Shabaab go’odoomiyeen oo xitaa uusan jirin qaab gargaar loo gaarsiiyo.

Xafladaas wuxuu Ilyaas ka sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Buurhakaba oo ah magaalada labaad ee canshuurta ugu badan ay ka soo gasho Koonfur Galbeed aysan lahayn maamul degmo, Airport iyo kaabayaal bixiya adeeg bulsho.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah hadalka wasiir Ilyaas waxaa dhibsaday Madaxweyne Laftagareen iyo xubno kale oo xildhibaano ah, kana tirsan Koonfur Galbeed, waxaana maamulka Buurhakaba amar lagu siiyey in Ilyaas Cali Xasan ama masuul kale oo ka socda dowladda federaalka uusan tegi karin degmadaas.