Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey in Soomaaliya ‘ay haysato fursad weyn’

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo soo saaray qoraal ku aadan munaasabadda 26-ka June, ayaa sheegay in Soomaaliya ay haysato fursad taariikhi ah oo ay ku sixi karto khaladaadkiii ka dhacay.

Xuska sannad guurada 62-aad ee maalinta xoriyadda 26ka Juun, waa fursad aynu ku sixi karno wixii naga qaldamay muddadaas, sidoo kale aan ku xoojin karno dhaqamada wanaagsan ee ay ka siman yihiin dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan is-caawinta, isu qalbi furnaanta iyo adkeynta midnimadooda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.   

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay si weyn u garoowsan yihiin dhibaatooyinka ay leedahay colaadda iyo khilaafaadka sokeeye ee dib u dhigay dowladnimadeenna. Maanta waxaan haysannaa fursad taariikhi ah oo shacabkeennu ay ku heshiiyaan, ku mideeyaan caqligooda, cilmigooda, cududdooda iyo jacaylka walaalnimo ee ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed, taas oo aan weligeed duugoobayn,” ayuu yiri.  

Madaxweynaha ayaa intaasku daray in kaasi uu yahay jidka kaliya ee aynu kaga bixi karno amni xumada, saboolnimada, abaaraha iyo shaqo la’aanta curyaamisay dhallinyaradeenna.  

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuu ka cudur daaranayo ka qeyb-gal la’aanteyda munaasabadda 26-ka Juun, maadaama uu, sida uu yiri, u  hoggaansanahay talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19.  

Waxa uu ugu dambeyn ku baaqay in la caawiyo oo la garab istaago dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu ku dhufatay. 

“Munaasabadda Todobaadka Xorriyadda awgeed, waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in aan wadajir ugu istaagno dadkeenna la tacaalaya duruufaha nololeed ee adag ee ka dhashay abaaraha ku habsaday dalkeenna, taasina ay tahay dabbaal degga ugu wanaagsan ee aynu u muujin karno Todobaadka Xorriyadda,” ayuu yiri.