Xamza oo sameeyey ballan-qaad ku aadan Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrinta Somaliland. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn shacabka u diray hambalyo ku aadan dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibadda iyo gudaha dalka.

“Waxaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyaynayaa munaasabada 26ka Juun oo ku beegan 62 guuradii kasoo wareegtey markii ay Gobolada Waqooyi Xorriyada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska islamarkaana ah markii u horeysey calankeena laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in maalintani huwan tahay taariikh aad u dheer ayna tahay maalintii ummada Soomaaliyeed ay gumaysitii Ingiriiska ka xoroobeen. Waaxaana uu sidoo kale xusan halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed u soo gashay madax-banaanideeda iyo inay noqoto ummad si xor ah aayeheeda uga tashata uu hirgalay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Midowgii labada gobal ee waqooyi iyo koofur reer waqooyi la’aan tood aysan suuragasheen. Isagoo tilmaamay in maanta awlaadii halgamayaaashii xoriyadda iyo midnimada keenay laga filaayo adkaynta midnimadii aabe yaashood horseedeen.

“Dadaalkaas dheer iyo halgankii xornimo doonka waxa xasuusin mudan in walaalaha reer waqooyi kaalin mug leh ay ku lahaayeen, waxay u hureen dhiigooda, libta 26ka juun, iyaga ayaana si gaar ah ugu suntan. Waxaan balan qaadayaa in aan dadaalkii ay ku baxsheen xormimada iyo midowga mid u dhigma aan ku baxsho xalinta tabashadooda.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay xaaldaha xiligan ee dalka ka jira ayaa sheegay in dadkeenu wajahayaan duruufo adag oo ay abaaruhu keeneen, una dheer yihiin arrimo amni iyo mid dhaqaale oo u baahan in wax laga qabto.

“Xukuumaddaydu waxay ahmiyad gaar ah siindoontaa sidii loo laba jibaari lahaa dadaalada loogu gurmanaayo dadkeena abaartu saameysay. Inagoo ka yeelan doonaa qorshayaal cad-cad oo lagu sameeynaayo xal waara iyo in dalka loogu diyaariyo inuu awood u yeesho ka jawaabista musiibooyinka qaran.”

Xamza ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga fadhiyo halgankii xornimo doonka ahaa mid la mid ah, taas oo ah waajib muwaadin kasta saaran sidii looga gudbi lahaa kooxaha dadkeenii go’doomiyey ee u diidan in xitaa raashin gurmad ah iyo biyo loo geeyo shacabka gaajada iyo haraadka u dhimanaya.