Madaxweyne XASAN SHEEKH oo taageero aan la fileyn ka helay siyaasi xil sare kasoo qabtay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Yuusuf Xaaji, wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Kenya oo kamid ahaa xubnihii ka qeyb galay caleemo saarka madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa si cad u weeraray madaxweynayaasha Soomaalida ee ka qeyb galay caleemo saarkii Kismaayo.

Sidoo kale Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa weeraray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee doonaya iney xiligan xilka ka qaadaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, maadaama mooshin ka gudbiyeen xildhibaano badan.

“Madaxweyne ma ahan shaar subixii la gashanayo oo galabka la iska baddalayo, madaxweynaha waa in fursad la siiyaa,” Ayuu yiri Yuusuf Xaaji oo ka hadlaayay Xafladii Caleemo Saarka Madaxweynaha Jubbaland.

sidoo kale Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaan sharafta ay laheyd Soomaaliya, shacabkana ay ka dambeeyaan dowlada iyo madaxda ugu sareyso dalka Soomaaliya.

“Ka dambeeya madaxdiinna, nin walba madax ma noqon karo, Madaxweynaha Soomaaliya hal ayuu ahaanayaa,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa cadeynaya sida dowlada Kenya ay damacsan tahay oo ah inuu sii joogo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com