Xog: Shirka dowladda federaalka ah ee New York & damacii Nicholas Kay oo fashil ku dhamaaday

New York (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah oo aynu ka heleyno shir lagu wado in uu ka dhaco magaalada New York ee waddanka Mareykanka bishaan September 28 ayaa la sheegayaa in uu u noqon lahaa gogol dhig shirkii shalay ee laysku mari waayay magaalada Kismaayo.

Shirka oo uu damacsanaa in uu Nicholas Kay uu sal uga dhigo hannaanka geeddi socodka doorashada 2016. Waxay ahayd bishii Luulyo 29 iyo 30 ee sanadkan markii ay diideen in Puntland iyo Jubba ay ka soo qeyb galaan shirkaas oo la rabay in laga soo saaro hannaanka doorashada kaasoo fashil ku dhammaaday.

Haddaba Caasimadda Online oo la xiriirtay qaar ka mid ah waddamada deeq bixiyayaasha in sarkaal ka tirsan xafiiska UNSOM ayaa loo xaqiijiyay in shirka lagu ballansan yahay 28 bishan uusan u dhici doonin sidii loogu talo galay, bacdamaa aysan ku hishiinin dowladda federaalka ah iyo Puntland iyo Jubba oo iyaga dhan ka soo wada jeeda.

HSM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa si caro ah uga tagay Kismaayo, Madaxweyne Xasan iyo xulafadiisa ayaa weji gabax iyo ceeb kula kulmay magaalada Kismaayo. Warar hoose oo ay heshay ayaa sheegaya in uu ahaa Sharif Xasan Sheekh aadan ay dowladda Itoobiya u soo isticmaashay in uu keeno Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saaxibkiis Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyagoo markaas lagu qanciyay in maalinta Axadda uu dhici doono shir gaar ah oo looga arrin sanaayo hiigsiga 2016. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku han weynaa in uu caalamka tuso in aay hal meel uga soo wada jeedaan isaga iyo dowlad goboleedyada qaabka iyo hannaanka doorashada ee 2016.

Shariif Xasan sheekh Adan oo ahaa shaqsigii bohosha siyaasadeed u qoday kuna duugay saaxibkiis Shariif Axmed, ayaa iminkana u eg in taa mid la mid ah uu ku sameynayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa ayaan darro ah in Xasan Sheekh uu fahmi la’yahay dhagarta Shariif Xasan uu ku wiiqayo awooddiisa.

Waxaa loo badinayaa markaad fiiriso guuxa siyaasadeed ee ka dhex taagan magaalada madaxda Muqdisho in ay u badan tahay in muddo kororsiimo loo sameeyn doono Golaha Baarlabaanka oo kaliya Bartamaha bisha Ogosto ee 2016, iyagoo markaana ay soo doortaan Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa kaddibna ay doortaan Madaxweynaha horraanta bisha September ee sanadka danbe 2016.

Fekerkaan ayaa aad ugu soo badanaya dhammaan meelaha lagu qaxweeyo ee magaalada Muqdisho.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com