Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray musiibadii ka dhacday dalka TURKIGA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay qarax xoogan oo ka dhacay Turkiga, gaar ahaan goob laga qodo dhuxul-dhagaxa oo ku taal waqooyiga dalkaas.

Madaxweyne Xasan ayaa dhambaal tacsi ah u diray dhiggiisa Turkiga Rajab Dayib Erdogan, wuxuuna shaaciyey inuu murugada la qaybsanayo dowladda iyo shacabka dalkaasi.

“Aniga oo ku hadlaya magaca dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh gaarsiinaynaa dowladdaada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo la muragaysan dhibaatada ka dhacday Gobolka Bartin.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa caafimaad u rajeeyey muwaadiniinta reer Tuki ee ku dhaawacmay dhacdadaasi oo saameynteeda si weyn looga dareemay waddankaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku naf-waayey qaraxaas in Alle u naxariisto, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda.

Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida dhow u taageero Soomaaliya, waana saaxibka koowaad ee dowladda federaalka, isaga oo ka teegeero dib u dhiska ciidanka & gargaarka.

Si kastaba, dowladda Turkiga ayaa waxaa si gaar ah loogu xasuustaa, sida ay uga qayb-qaadatay gurmadka abaarihii Soomaaliya ku dhuftay sanadkii 2011-kii, xilligaas oo uu madaxweyne Erdogan iyo Marwadiisa ay kasoo degeen garoonka magaalada Muqdisho.