XASAN oo tagay Cadaado iyo kulamo ka socda

Cadaado (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Cadaado ayaa sheegaya in goordhow halkaasi ay ka degtay diyaaradii waday wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha eemagaalada Cadaado kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka degmada, waxgarad ku sugan degmada iyo wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya.

Waxaa loo galbiyay magaalada, waxaana uu  gacan qaaday qaar kamid ah xubnihii ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado.

Ujeedada safarka Xasan Sheikh ee Cadaado ayaa ah inuu maalinta berito ah furo shirka maamulka loogu sameynayo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Waxaa amaanka adkeynayay ciidamada dowlada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM kuwaasi oo afartii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Cadaado ee maamulka Ximan iyo Xeeb.

Waxaa madaxweynaha la qorsheynayaa in kulamo gaargaar ah la qaato waxgaradka ku sugan magaalada oo ka carooday markii Caasimada gobolada dhexe uu ka dhigay magaalada Dhuusomareeb.

Sidoo kale maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa si weyn kaga soo horjestay arintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com