“Heshiiska CC & C/WELI Gaas waa sharci darro, xilkii qaranka buu ku naas-nuujiyey beeshiisa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa heshiis 7 qoddob ka kooban kula saxiixday Garowe madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas, waxaanna heshiiska ka hadlay xubno isugu jira xildhibaanno iyo siyaasiyiin ku tilmaamay inuu yahay mid aan sharciyad ku fadhiyin.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in aysan sharciyad ku fadhiyin in Ra’iisul wasaaraha isaga oo aan wadatashi la sameyn hay’adaha dastuuriga ah uu keligii qalinka ku duugo heshiisyo masiiri ah, wuxuuna Jeesow heshiiskaasi ku tilmaamay mid magac u yaal ah oo aan waxba ka duwaneyn kuwii horay loo saxiixay ee aan la dhaqangelin.

“Wixii heshiis ah in Baarlamaanka la horkeenaa ayuu sharcigu qabaa, kaddibna uu Baarlamaanku ka doodo, Puntland waxeey la mid tahay maamul goboleedyada kale ee Soomaaliya, wixii ay hesho Puntland waa in ay helaan maamulada kale, haddii uu R/wasaaruhu nagu qancinaayo in Puntland ay Gobolada kale ka Soomaalisan tahay waa wax kale” Ayuu yiri Jeesow, wuxuuna intaa ku daray in hannaanka Dowladeed ee Soomaaliya aysan aheyn mid qof keligii awood u siinayaa in heshiiskuu doono geli karo.

Dr. Maxamuud Xasan oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga Midnimo Qaran ee uu Guddoomiyaha ka yahay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya, isaga oo ka hadlayey heshiiska Garowe ay ku saxiixdeen Cabdi Weli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid wuxuu dhinaciisa sheegay in xilka Qaranka aanu noqon wax qof uu beeshiisa ku naas-nuujiyo, wuxuuna wax aan suurtagal aheyn ku tilmaamay in beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ay isla dhiririso Dowladdii, una dhaqanto sida awood la siman Dowladda.

“Madaxda Dowladda Federaalka halkii ay ka shaqeyn lahaayeen maslaxada caamka ah, waxey u muuqanayaan kuwa ka shaqeynaya maslaxada beelahooda, heshiiska Garowe ka dhacay wuxuu muujinayaa R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo doonaya inuu naas-nuujin u sameeyo beeshiisa, waxaan soo jeedineynaa in laga guurto fikirk qabiilka ku dhisan, laguna hogaamiyo ummadda cadaalad iyo sinnaan” Ayuu yiri Dr. Maxamuud Xassan, wuxuuna intaa ku daray in shaqsiyaadkii loo dhiibay hay’adihii Dowladda halkii ay dalka u shaqeyn lahaayeen in mid kastaba uu u dhaqmayo kaabo qabiil inuu yahay.

“Maalin cad oo indhaheenu ay 5 yihiin ayaa la doonayaa in Soomaaliya la fitneeyo, waxaan heshiiska lagu sheegay ee la la gaaray waa inlala gaaraa gobolada kale oo dhan, haddii beel ka mid ah beelaha kale ee Soomaaliyeed la la siimo Dowladdii waa nasiib darro” Ayuu yiri Ditoorka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com