General GABRE, Affeey iyo Axmed Madoobe oo caddaalad darro weyn ku sameeyey BEESHA…

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa Kismaayo ka dhacay Cadaalad xumo aad u weyn oo Axmed Madoobe ku sameeyay Beesha Cawramale iyo Beelo kale oo deegaan ah, kadib markii uu duudsiiyay Xuquudoodii ah inay Xubno ka helaan Baarlamaanka.

Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Cawramale, ayaa sheegay in Baarlamaanka Maamulka Axmed Madoobe loo qeybiyay Xildhibaanadiisa Hal Beel gaar oo dhamaan isku hayb, taasina waxa ay noqotay mid ay aad uga xumaadeen Beelaha Jubbooyinka.

Beesha Cawramale waxay kamid tahay Beelaha isaga baxay Shirka Kismaayo, ee uu Axmed Madoobe u afduubnaa, kuna xulayay Xildhibaano kasoo jeeda Beeshiisa (Ogaadeen) oo Deegaan ahaan looga badan yihay Jubbooyinka.

Waxaa la sheegay in Shirka ay Hogaanka u hayeen Axmed Madoobe, Maxamed Cabdi Afey iyo GABRE oo Bistoolad ku handadayey Odayaasha Shirka soo xulista Baarlamaanka Jubba, waxaana si qasab ah loogu diiday Beesha Cawramale inay xitaa Hal Xubin helaan.

Axmed Madoobe ayaa lagu eedayay inuu Mas’uul ka yahay Sed-bursiga lagu sameeyay Beesha Cawramale iyo Beelaha kale ee loo diiday inay ka qeyb noqdaan Maamulka Jubba iyo Baarlamaankiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com