Maxaa ka khaldan heshiiska DFS iyo Puntland? (Faaqidaad qodobada yaabka leh ee heshiiska)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho waxaa mar waliba dhex mara maamulka Puntland xiisad joogto ah oo keenta in xiriirkoodu ahaado mid xaalkiisu liito sabab kasta ha ugu wacnaatee, waxaana qofkii madaxweyne ka noqda Puntland ku qasban yahay inuu raaco tilmaamo gaara oo hor istaagaya inuu xiriir caafimaad qaba la yeesho dowladda fadhigeedu yahay Xamar xitaa haddii uu madaxweyne ka yahay qof ka soo jeeda Puntland.

Waxaa dib u xusuusan kartaa khilaafkii soo kala dhex galay Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Cadde Muuse Xersi oo xilligaasi madaxweyne ka ahaa Puntland, khilaafkaas oo ku saabsanaa baaritaanka shidaalka iyo heshiisyada lala galayo shirkadaha caalamiga ah; laakiin madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa si cad u sheegay inay Puntland xaqdarro ku socoto, lagana gar leeyahay, sidaasoo ay tahayna laguma guuleysan inuu khilaafaasi dhammaado.

Hadda oo Puntland uu madaxweyne ka yahay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Gaas xaaladu waa sideedii, waxaana la yaab leh inuu dowladda Federaalka ka doonayo arrimo uusan isaguba ogolaadeen markii uu xilka ka hayay Muqdisho ee uu ka ahaa Ra’iisal wasaare. Waxa ugu weyn ee Puntland ka qeyliso waa dastuurka KMG ah oo C/weli Gaas garwadeen ka ahaa iyo wasiir Xoosh oo labadaba Puntland ka soo jeeda, kaaga sii darane Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka waxaa madax ka ah Caasha Geelle oo Puntland ka soo jeeda, intaasi oo dhan Puntland kuma qanacsana, weliba far baa u taagan….!!

Haddii aan dib u eegno heshiiskii ugu danbeeyay ee labada dhinac wada galeen 12-kii April 2015 maaha heshiis cusub, waxaase in la iftiimiyo u baahan in mar waliba oo heshiis noocaas ah la gaaro laguna tumanayo sharciga iyadoo aad moodo in ay heshiinayaan labad dowladood oo isla mida. Qodobada khaladaadku ka jiro ee markiiba ay ishu qaban karto waxaa kamida:

  1. Shuruucda ay DFS soo saarto iyo samaynta guddiyadda heer qaran 

Waxaa la isku raacay in dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya lagala tashado xeerarka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhismaha guddiyada madaxa bannaan ee heer qaran, sida uu qabo Dastuurka Federaalka, Qodobkiisa 111aad, Farqaddiisa 2aad.

Qodobkan waxaad moodaa in Puntland raadineyso  saameyn ay ku yeelato guddiyada heer qaran ayna dooneyso in go’aanada Baarlamaanku gaaro ay iyadu jebin karto ama saxiixa ugu dambeeya la yeelato madaxweynaha, ma muuqato qaab ay Puntland sharci ahaan uga qeyb qaadan karto ama wax uga bedeli karto xeerarka uu ansixiyo baarlamaanka federaalka, tiiyoo baarlamaanku ay ka mid yihiin xubnaha ka soo jeeda Puntland, taasoo sharci darro noqoneysa haddiiba ay dhacdo xadgudubna ku ah Baarlamaanka. Sameynta guddiyada qaranka wuxuu dastuurku siinayaa Baarlamaanka.

  1. Dhismaha ciidan qaran oo ummadda u dhexeeya
  • Si loo dhiso ciidan qaran oo  leh sumad qaran waxaa laysku afgartay in sadex kun (3000), oo askari loo qoondeeyey Dawladda Puntland.

Qodobkan isna wuxuu ka mid yahay khaladaadka ku jira heshiiskan, maxaa yeelay dhismaha ciidamo qaran waa tallaabo u baahan inay go’aan ka gaaraan inta ay quseyso oo dhan, qoondada ah 3000 askari inay Puntland ku lahaato ciidamada qaranka ma jirto meel ay sal ku leedahay iyo qorshe guud oo la dejiyay, si la isugu keeno ciidamadaas, iyo waliba waxa lagu saleeyay, waana arrin ka hor dhacday oo dowladda ay ku fududaatay.

Guud ahaan heshiisyada noocan oo kale ah intooda badan ka hirgalaan ama waa qaar aan suuragal ahayn in la fuliyo, waxayna  dowlad kasta oo markaas jirta isku daydaa inay la heshiiso ama ugu yaraan heshiis aan col iyo nabad fiican midna ahayn kula joogto Puntland, sidaasina waqtigu ku dhammaado.

Isha: Goobjooge