Madaxweyne Xassan Sheekh oo war cusub kasoo saaray kiiska dacwadda badda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay kiiska badda ee ay muranka galisay Kenya, taasoo maanta loo fadhiyo dhageysigeeda, wuxuuna Soomaalida ku booriyay in loo midoobo qadiyaddaas.

Xasan Sheekh ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay qof kaalin mug leh ka qaatay kiiskaan, isla markaana xukuumadiisa ay tahay middii ugu horreysay ee kiiskaan geystay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

“Guul ayaan u rajeynayaa kooxda difaaca baddeena, waxaan ku baaqayaa in aan garab istaagno innaga oo meel iska dhigeyna waxyaabaha kale ee lagu kala aragti duwan yahay,” ayuu Facebook kusoo qoray madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Difaaca baddeennu waa mas’uuliyadda qof kasta oo Soomaali ah. Waan guuleysaneynaa inshaAllaah”

Iyadoo ay Kenya isaga baxday kiiska, ayaa dacwad dhageysiga maxkamadda ay jirtaa maanta, waxaana magaalada Hague ee dalka Holland ku sugan wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Guuleed.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Kihara Kariuki ayaa go’aanka Kenya ay uga baxday kiiska u gudbiyey Maxkamadda ICJ, 11-kii bishan March.

“Kenya waxay jeceshahay inay maxkamadda ku war-geliso inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga ee la jadwaleeyey 15-ka March,” ayuu xeer-ilaaliye Kihara Kariuki ku yiri warqadda uu qoray.

Kihara Kariuki ayaa warqadda ku sheegay in cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska, islamarkaana cudurka uu yimid markii Kenya ay qoratay koox cusub oo qareeno ah.

Kenya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri