Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo Kenya u diiday 30 daqiiqo oo ay codsatay

Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa dowladda Kenya u diiday codsi ay u dirtay oo ku aadanaa in ay khudbad u jeediso maxkamadda ka hor inta aysan billaaban dacwadda Soomaaliya kala dhaxeysa.

11-kii March 2021 dowladda Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay 30 daqiiqo oo gorsoorayaasha maxkamadda ay kala hadleyso sababta ay Kenya ay uga hartay dhageysiga dacwadda.

Wasaaradda arrimaha Dibadda ayaa shalay sheegtay iney war rasmi ah ka soo saari doonto muranka ay Kenya gelisay badda Soomaaliya ka hor dhageysiga ICJ.

Sarkaal sare oo katirsan dowladda Kenya ayaa wargeyska the standardmedia.co.ke u sheegay sida ay uga xuntay Kenya habka ay maxkamadda ku wado dacwadda isagoo ula jeeda in maanta la dhageysanayo Soomaaliya oo kaliya.

Bishii February ayay aheyd markii maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ay ku gacan sayrtay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya, sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.

Galabta ayey maxkamadda furmi doontaa, waxaana la dhageysan doonaa dooda garabka Soomaaliya oo todobaadkii hore xaadiray magaalada Hague ee dalka Holand, halkaas oo ay ku taallo xarunta dhexe ee maxkamadda.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Kihara Kariuki ayaa go’aan ay Kenya uga baxday kiiska u gudbiyey Maxkamadda ICJ, 11-kii bishan March.

“Kenya waxay jeceshahay inay maxkamadda ku war-geliso inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga ee la jadwaleeyey 15-ka March,” ayuu xeer-ilaaliye Kihara Kariuki ku yiri warqadda uu qoray.

Kihara Kariuki ayaa warqadda ku sheegay in cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska, islamarkaana cudurka uu yimid markii Kenya ay qoratay koox cusub oo qareeno ah.

Kenya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim
Abdiazizh99@gmail.com
Xigasho: The Standardmedia
Mogadishu-Somalia