26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Madoobe oo Muqdisho gaaray kadib..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa galabta soo gaaray madaxweynaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed, Madoobe Nuunow Maxamed.

Ilo xog-gaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, in Madoobe Nuunow ay u yeertay dowladda Soomaaliya isla markaana arrimo badan lagala hadli doono inta uu joogo Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa si dhab ah u sheegtay in aysan aqoonsaneen maamulka lixda gobal ee looga dhawaaqay Baydhabo dhowr bil ka hor.

Si kastaba, xog badan lagama hayo imaatinka Madoobe Nuunow Maxamed oo soo gaaray Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin imaatinka Madoobe Nuunow Maxamed.

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhisan labo maamul mid waa lix gobal midna waa seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News