Magacaabista safiirka cusub ee Somalia ee Sacuudiga oo saameysay safiir ku beel ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir in uu noqdo Danjiraha dalkeenna u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga.

Magacaabistaan Safiirkaan ayaa saameyn dhanka Beelaha ah ku yeelatay safiir kale oo Soomaaliya u fadhiyo dalka Masar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u yeertay labadaas safiir inay deg deg ay ugu soo laabtaan ugu dambeyn laba asbuuc gudahood.

Tallaabada loogu yeeray Safiiradan ayaa si rasmi ah loo ogeyn, hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in la bedeli doono.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan C/risaaq Shoole ayaa sanadkii hore loo magacaabay xilka Safaaradda, isagoo ka mid ahaa Agaasime kuxigeenada Madaxtooyada Villa Somalia.

C/Qani Maxamed Waceys oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar iyo Xoghayaha Joogtada ee Jaamacadda Carabta ayaa muddo afar sano hayay xilkaas, tan iyo markii uu geeriyooday safiirkii hore.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in safiirka Masar uu saameyn doono is bedelo lagu sameynayo safaaradaha, sidoo kale waxaa saameyn doona habka awood qeybsiga ee 4.5 oo xubno ku heyb ahaa Safaarado kale loo magacaabay

C/xakiin Xasan Ashkir oo ah Safiirka cusub ee loo magacaabay dalka Boqortootada Sacuudi Carabiya kana soo jeeda beesga Ogaadeen ayaa ku heyb ah Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta, waana sababta loo maleynayo in Mr Waceys loogu yeeray inuu muddo todobaad ah uu dalka ku soo galo.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilooyinkii dambe waday isbadalo ay ku sameeneyso Safaaradaha Soomaaliya ee Caalamka taasoo ay sabab u tahay loolan adag oo u dhaxeeyo madaxda ugu sareyso dalka oo doonayo inuu mid kasta dadka ugu dhow u helo magacaabista Safiir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com