Magacyada xildhibaanada maanta shahaadada qaatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maalintii labaad wada diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta xubnaha xildhibaanada ah ee dhowaan la soo doortay, si loo sii amba qaado howlaha dhammeystirka doorashada dalka.

Guddiga ayaa maanta shahaadada siiyey dhowr xildhibaan oo tegay xarunta guddiga FEIT ee ku dhex-taal garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaanadan ayaa waxaa ku jira xubno ka tirsan kuwii lagu soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo horey u qaadacday tallaabada guddiga doorashooyinka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli muran uu ka dhex-taagan yahay guddiga doorashada, kaas oo la xiriira shahaado siinta xildhibaanada dhowaan lasoo doortay.

Dooda ayaa sii xoogeystay markii guddoomiyaha guddiga guddiga FEIT uu liiska la shaaciyey ka reebay kuraas uu ku jiro kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Halkan hoose ka aqriso liiska:-

1. Salah Ahmed Jama AS#34
2. Guled Bihi Abdi GSH#255
3. Ahmed Osman Dirie GSH#233
4. Abdinur Ali Aden GSH#028
5. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107
6. Abas Ali Ibrahim GSH#111
7. Mohamed Abukar Ali GSH#025
8. Adar Hared Jibril GSH#132
9. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124
10. Bihi Iman Egeh GSH#237
11. Abdiqani Ismail Said GSH#241
12. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272
13. Adnan Osman Elmi GSH#236
14. Omar Yusuf Qaladid GSH#136
15. Ahmed Mohamud Jama GSH#029
16. Nasro Mahdi Arale GSH#023
17. Leylo Nur Maah AS#07
18. Sahra Jama Ali GSH#134
19. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127
20. Hassan Dahir Yarow AS#05
21. Zaynab Mohamed Amir GSH#267
22. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120
23. Yusuf Mohamed Ismail GSH#118
24. Ilyas Badal Gabose AS#01
25. Mohamed Hassan Adam GSH#133
26. Hamza Abdi Barre GSH#203

27. Abdi Hashi Abdullahi AS#33