Magacyada xildhibaanada miisaanka cuslaa ee laga saaray guddiga maaliyadda iyo waxay ka dhigan tahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa xalay wareegto dad badan ka yaabisay is-beddel ugu sameeyey guddiga maaliyadda baralamanka ee muranka uu ka dhashay.

Guddiga ayaa waxaa laga saaray xubnihii ugu miisaanka cuslaa ee la xisaabtamay xukuumadda Kheyre, kuna eedeeyey musuq-maasuqa, ayada oo lagu beddelay xubno cusub oo xukuumadda taageersan.

Xubnaha miisaanka culus ee guddiga laga saaray ayaa kala ah; Guddoomiyihii Guddiga Cali Cabdi Cusmaan oo loo yaqaan Cali Caliyow, gudoomiye ku xigeenka Maxamed Cali (Maxamed Soomaali) iyo xoghayaha C/llaahi Maxamed Nuur.

Is-beddelka uu Mursal ku sameeyey Guddiga ayaa ka dambeysay cadaadis Xukuumadda waday oo ugu horeyn ku guuleysatay inay kala qeybiso xubnaha Guddiga, iyadoo dadaal badan ku bixisay in dhammaan Guddiga la kala diro.

Inkasta oo qaar ka mid xubnaha guddiga ee xukuumadda diidanaa aan la beddelin, haddana ka saaritaanka guddiga ee saddexdii mas’uul ee ugu sarreeyey ayaa muujineysa in guddiga uu u gacan galay xukuumadda.

Tallaabada Mursal ayaa ka dhiggan inuu baarlamanka, oo shaqadiisa ahayd sharci-dejin iyo la xisaabtanka xukuumadda, uu hadda hoos tago xukuumadda, islamarkaana aan la fileyn in xukuumadda uu la xisaabtamo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com