Taliyaha NISA ee uu Fahad u magacaabay Sh/Dhexe oo hab qabiil lagu soo eryey

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad siday Sarkaal ka tirsan NISA oo loo Magacaabay hoggaaminta Ciidanka NISA ee Shabeellaaha dhexe in laga soo celiyay Jowhar.

Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Sarkaal waxaa  magacaabay Ku simaha Taliyaha Nabad Suggida Soomaaliya ahna Taliye Ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin.

Diyaaraddii siday taliyaha cusub ayaa markii ay ka degtay Jowhar, waxaa taliyaha cusub inuu u gudbo magaalada u diiday Ciidan Militari ah oo ku hayb ah Sarkaalka haysta Nabad Suggida Gobolka Shabellaha dhexe.

Dadaalo kala duwan oo la isku dayay in Sarkaalkaasi uu u gudbo Magaalada gudaheeda ayaa ugu dambeyn suurageli wayday, waxayna taasi keentay in dib uu ugu soo laabto Magaalada Muqdisho Sarkaalkii dowladda u magacowday Ciidamada NISA ee Gobolka Shabellaha dhexe. 

Madaxweynaha Hirshabelle  ayaa labo bil ka hor wuxuu magacaabay Taliyaha NISA ee Shabellaha dhexe, kadib markii xilkii laga qaaday Taliyihii hore oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdulaahi Xaayow, waxaana xilkaasi loo magacaabay Sarkaal lagu magacaabo Macalin Aadan. 

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Hirshabelle aysan ku qanacsaneyn in loo soo magacaabo Taliyaha Nabad Suggida Gobolka Shabellaha dhexe, xilli uu joogo Sarkaal Madaxweynaha Hirshabelle uu magacaabay, balse labadii bilood ee la soo dhaafay Saad & taageero uu ka waayay dowladda Soomaaliya. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com