Magacyada xildhibaano ka horyimid xeerka la ansixiyey ee matalaadda Banaadir

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey xeerka matalaada gobolka Banaadir, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Illaa 142 xildhibaan ayaa u codeeyay meel-marinta mooshinkii ay soo gudbiyeen 130-ka xildhibaan ee ahaa gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare, halka ay diideen illaa 4 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa hadda baxay xildhibaano ka horyimid meel-marinta mooshinka matalaadda gobolka Banaadir, kuwaas oo kasoo jeeda Puntland iyo Jubaland, waxaana ku jira qaar kooban oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada oo sheegay inay gaarayaan 72, balse aan la xaqiijin karin tiradaada saxda ah, ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaga oo gaaray ila 10 xildhibaan ayaa soo saaray qoraalka lagu diiday metalaadda Gobolka Banaadir, waxayna ku eedeeyeen Guddoonka Golaha Shacabka inuu Dano gaara ka lahaa Xeerka.

Xildhibaannadan golaha shacabka ee hoos ku qoran, waxay maanta uga digeen guddoonka goloha shacabka ee BF in la baalmaro dastuurka, oo ah heshiis bulsho iyo xeerarka kale ee dalka, oo cod loo qaado qaraar ama xeer ka soo horjeeda dastuurka.

Xildhibaanadan waxaa ay ku doodeen in habraaca xeerarka doorashooyinka ee la xiriira matalaadda gobolka Banaadir uusan sax aheyn, uuna baalmarsan yahay qodobada dastuurka ee 79-aad, 82-aad iyo 83-aad ee dastuurka. Haddii la rabo in kuraasta aqalka sare la kordhiyo ay tahay in wax laga bedelo qodobka 72-aad ee dastuurka.

Xildhibanadan ayaa u badan kuwa kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland, waxaana ku jira xubno kasoo jeeda K/Galbeed, iyadoo ay ka dhex muuqda wasiiro ka tirsan xukuumadda oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Farmaajo sida: Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Sadiiiq Xersi Warfaa.

Hoos ka akhriso: Liiska xildhibaannada ka horyimid meel marinta sharciga matalaadda gobolka Banaadir: