Xildhibaan shaaca ka qaaday ‘qorshaha’ madaxweyne Farmaajo ee Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah Senatorada laga soo doorto maamul goboleedka Jubaland ayaa madaxtooyada Somalia ku eedeeyay inay faragelin qaawan ku hayso golaha aqalka sare ee Somalia.

Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa si caro leh u sheegay in madaxtooyada ay faragelin ku wado kulamada iyo howlaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia, isagoona tilmaamay in kulankii maanta lagu waday inuu aqalka sare yeesho ay ka danbeysay madaxtooyada inuu baaqdo kulankaasi.

“Waxaa inuu muuqata in madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska Farmaajo uu isbaaro u dhigtay aqalka sare, waxaana laga soo abaabulayaa duminta galaha aqalka sare, horayna waxaa loo dumiyay golaha baarlamaanka” ayuu yiri Senator Iftin Xasan Baasto.

“Maadaama aad ku fashilantay hoggaankii dalka, waxaanu ku leenahay wax iskula har taariikhda ayaa ku tori doontee” ayuu sii raaciyay Senatorka.

Khilaafka madaxtooyada iyo guddoonka sare ee aqalka sare ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ay tahay maanta markii labaad ee uu baaqddo kulanka golaha aqalka sare, kadib khilaaf ka dhashay in kulamada lagu qabto aalada Online ee la iska arko.