Sharaxaad: Labada nooc doorasho ee lasoo bandhigay iyo sida ay u shaqeynayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo maanta warbixintii laga sugayey guddiga ka hor jeedisay fadhiga golaha shacabka ayaa dalbatay mudo kordhin, maadaama sida ay sheegtay mudada u hartay aysan doorasho dalka uga qaban karin.

Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa khudbadii ay maanta ka hor jeedisay golaha ku soo bandhigtay laba hab oo ay u dhici karto doorashada dalka, kuwaas oo labaduba u bahan mudada loo kordhiyo guddiga doorashooyinka.

Labada nuuc doorasho ee Xaliima Yarey ay soo bandhigtay mid waxa uu ku xusanyahay sharciga doorashooyinka ee baarlamaanku ansixiyey madaxweynuhuna saxiixay, waxay sheegtay in kaasi u baahanyahay uu waqti iyo kharash badan, waqtiga oo ay xustayna waxay ku sheegtay inay u baahanyihiin 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha soo socota ee July 2020 kuna eg August 2021-ka.

Nuuca koowaad ee qaadanaya 13-ka bilood: Diiwangalinta codbixiyaha Bio-metric ka ee dhamaystiran:

Tilmaamaha hanaanka Nooca diiwaangelinta Biometricka ah:

  • Codbixiyaasha waxaa la diiwaangelinayaa codaynta ka hor, iyada oo la adeegsanayo qalabka biometricka.
  • Kaarka aqoonsiga codbixiyaha ayaa la bixinayaa diiwaangelinta ka dib,
  • Sixidda liiska codbixiyaashaiyo qaadida cabashooyinkaka yimaada.
  • Kala saarista iyo sixidda xogta (deduplication) ayadooloo adeegsanayo nidaamka aqoonsiga wajiga codbixiyaha(face recognition).
  • Waxaa la soo saarayaadiiwaanka rasmiga ah ee loo adeegsanayodoorashada.
  • Waxay leedahay hawlgal soo noqnoqanaya oo u baahan sugid amnio o joogta ah.
  • Waxaa si faahfaahsan loo qorshaynayaa agabyada doorashooyinka ee loo daabulayo goob kasta.

Nuuca labaad ee qaadanaya 9-ka bilood: Diiwangalinta warqada gacanta isla maalinta Codbixinta:

Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Yarey ayaa sidoo kale maanta khudbadeedii ku soo bandhigtay hab labaad oo ay ku dhici karto doorashada dalka, kaas oo kharash iyo waqtiba ka yar kii hore, laakiin ka tayo yar.

Nuucaan labaad hadii la qaato in lagu qabto doorashooyinka dalka waxa ay sheegtay in uu ka kharash yar yahay kii hore, waqtigana ay u baahanayaan 9-bilood in loogu daro, oo ka bilaabaneysa July 2020 kuna eg Mararso 2021-ka

Tilmaamaha Nooca diiwaangelinta Warqadda

  • Codbixiyaasha waxaa lagu diiwaangelinayaa diiwaan yaalla xarunta codbixinta isla maalinta codbixinta iyadoo gacanta lagu qorayo.
  • Ma jiro lamana isticmaali doono karaka codbixiyaha.
  • Fursad looma heli karo cabashooyinka diiwaangelinta iyo sixid codaynta ka hor
  • Diiwaangelinta la sameeyey lama sii isticmaali karo.
  • Howlgalka codaynta kaliya ayaa looga baahanayaa ciidanka amniga
  • Waxaa adag in la qiyaaso codbixiyaasha imanaya goobta codbixinta.
  • Guud ahaan howlgalka codayntu wuxuu ka badan karaa maalin taasoo saamayn karta waqtigii ku dhawaaqidda natiijada.

Hoos ka aqriso labada nooc oo dhameystiran