Mahad Salaad: Ciidamada Farmaajo Doolow ka dejiyey horta Soomaali ma yihiin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ka jira gobolka Gedo, gaar ahaan ciidanka ay shalay dowlada dhexe ee Somalia ka dajisay gobolkaasi.

Mahad Salaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore shaki galiyey in ciidamadaasi ay Soomaali yihiin & in kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadaas ay muuqdaan kuwa hoggaamiyaha Eritrea ee Afawerki oo laga soo diray Asmara, sida uu hadalka u dhigay.

“Qolodaan Farmaajo Doolow ka dejiyay horta Soomaali ma yihiin. Mise waa walaalaha cusub ee Afawerki Asmara nooga soo diray?!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada shalay dowladda Soomaaliya ay ciidamo badan ku daabushay gobolka Gedo, kuwaas oo la geeyey xadka Soomaaliya & Kenya.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey xiisad xoogan oo u dhexeysa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay ka taagneyd halkaasi.