Xog: Afar sarkaal ciidan oo Muqdisho ku sameystay isbaheysi ka dhan ah DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar ka mid ah saraakiisha ciidanka Soomaaliya islamarkaana Sabtidii min laba qof u hogaaminayay dagaal ka dhacay degmada Kaaraan ayaa isu tagay saacadihii dambe ee isla habeenkii Sabtida iyo shalay.

Afartan sarkaal ayaa kala ah Cusmaan Xaadoole, Maxamuud Axmed Masdile, Abuukar Boonow iyo Maxamed Cusmaan Joorre.

Saraakiishaan oo ay baadi goobeyso dowladda Soomaaliya ayaa isku biiriyay ciidankoodii dagaalamay, si ay isaga difaacaan ciidan damacsan in ay soo qabtaan saraakiishaan, ciidankaas oo ay soo dirtay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa habeen hore ciidankeeda gaarka ah u dirtay soo qabashada saraakiishaan, waxaana la sheegay in markii ay heleen xogtaas ay isku biiriyeen ciidankooda iyadoo ugu dambeyn la sheegay in ay kala galeen xaafado ku yaalla dhinaca waqooyi ee Muqdisho

Xaafadaha degmooyinka dhaca waqooyiga Muqdisho ayaa shalay illaa xalay laga dareemayaa jawi colaadeed, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhaca dagaal dhinacyada u dhaxeeyo.

Ka sokow saraakiishan, waxaa jirta cabsi ah in haddii dowladda aysan ka tanaasulin arrintan ay horseedi karto in ciidan kale iyo shacab ku qabiil ah ay kacaan, kuna biiraan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalkii shalay dhacay iyo xiisad ka taagan waqooyiga Muqdisho.