Xog: Qaar ka mid ah dadkii abaabulay dibadbixii Xamar oo guryaha lagala baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay banaanbaxii dowladda Soomaaliya looga soo horjeeday lagu qabtay Muqdisho, waxaa guryahooda lagala baxay xubno ka mid ah mucaaradka, oo abaabulay dibad-baxaas.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in la xiray dhowr qof ka mid ah dadkii soo abaabulay banaanbaxii mucaaradku qabteen iyo kuwa ugu cadcadaa banaanbaxaas, islamarkaana ka tirsan xubnaha mucaaradka ah.

Dadka la xiray ayaa gaarayaa in ka badan 5 qof, waxaana lagala baxay guryahooda iyadoo qaar kalane ay baxsad yihiin.

Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo kamid ah abaabulayaashii banaanbaxii mucaaradka ee ka dhacay Muqdisho ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray inuu ka badbaaday isku day dil.

“Alxmdlh waxaan ka badbaaday isku dal kadib markii gaari Cabdi bile ah rasaas igu furay anigoo ka soo baxay Timo jaro,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in dowladda Soomaaliya bilaawday in ay guryahooda ugu dhacdo dhalinyarada la shaqeyso mucaaradka iyo bulshada ka soo horjeedo.

“Xalay sagaal saac habeenimo ciidamadaa albaabada u garaacayay dad oo rabay inay guryaha kala baxaan oo xerxeraan, waa wixii aan dhayeynay oo daweyneynay, xalinay, ayuu yiri Xasan Sheekh, oo hadlay 15-kii bishan, maalin kadib dibad-baxyadii Muqdisho.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in inta badan dadkaas laga soo waayey guryaha, balse ay jiraan qaar la xiray.

“Laakiin wey ka waayeen ee wey soo xirxiri lahaayeen, haddana qaarbaa xirxiran oo ah ganacsato aan joogin meeshii lagu mudaaharaadeyay, kuwaas oo loo xirxiray maskaxda ayey kala jireen waa taageersanaayeen ay leeyihiin, war waxeaa horaa ugu soo noognay, waa wixii dalkaan uu ka yimid,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka digay inaan dib loo celin wixii laga yimid ee dalka heerkaan soo gaarsiisay.

Xasan Sheekh ayaa fariin adag u diray ciidamada dowladda ee loo adeegsanayo ka hortaga bannaanbaxyada shacabka fikraddooda kusoo bandhigayo sida nabadeed, isagoo tilmaamay in ciidamada ay yihiin kuwa ilaalinaya amniga shacabka ee ay u dhaarteen.