Kenya oo sheegtay ‘sabab aysan DF ciidankeeda uga saari karin’ Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ciidankooda qeybta ka ah Amisom ka saari karin Soomaaliya, xilli ay dowladda federaalka sidaas qorsheyneyso.

“Joogitaankeena Soomaaliya waxaa maamula heshiisyada Amisom,” ayuu yiri Col Zipporah Kioko, oo la hadlay wargeyska Daily Nation.

Sida uu sheegay Kioko, heshiiska dalalka ku tabaruca ciidamada Amisom ee loo yaqaan Troop Contributing Countries (TCCs), dalka mart-gelinaya ciidamada, si gaar ah ugama bixi karo heshiiska ay dalka ku joogaan ciidanka mid ka mid ah dalalkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu warramay inay qorsheyneyso inay dalbato in ciidanka Kenya ay dalka ka saarto kuna beddesho ciidam ka socda Eritrea, oo daacad u ah madaxweyne Farmaajo si ay ugu qabtaan Jubaland.

Muqdisho ayaa dhowaan Nairobi ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arirmaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashada, ayada oo u adeegsaneysa maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Ciidanka Kenya ayaa jooga Jubaland, waxayna taageero xooggan siiyaan Axmed Madoobe, taasi oo Villa Somalia dhowr mar kahor istaagtay isku day ay ciidamada Ethiopia ugu adeegsan laheyd inay u qabtaan Kismaayo.