Rag lala xiriirinayo qaraxii GAALKACYO oo la qabtay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka oo labadii maalin ee la soo dhaafay howl-gallo ka waday koonfurta Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay rag looga shakiyey inay ku lug lahaayeen weerarkii jimcihii ka dhacay gudaha magaladaasi.

Ragga la soo qabtay oo watay gaadiid ayaa waxaa lagu xiray saldhiyo ay leeyihiin ciidamada nabad sugida ee ka howl-gala halkaasi.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in haatan ay baaritaano dheeraad ah ku socdaan raggaasi looga shakiyey ku lug lahaanshaha qaraxii is-miidaaminta ee Gaalkacyo.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay dib ka faah faahin doonaan natiijada baaritaanada ay sameeyeen iyo ragga gacanta lagu soo dhigay.

Kadib weerarkaasi oo lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsan Dowladda iyo Galmudug ayaa waxaa Gaalkacyo looga dhowaaqay howl-gal jawaab u ah qaraxaasi.

Tan iyo wixii 18-kii bishaan December ayaa Gaalkacyo waxa ay gashay xaalad adag oo ka dhashay weerarkan oo lala beegasaday goob lagu soo dhoweynayey ra’iisul wasaaraha.