Mahad Salaad, Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire oo la kala qabtay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka dhacay buuq lagu sigtay inay gacanta iskula tagaan qaar ka mid ah xildhibaanada cusub.

Kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal, wuxuuna dhacay xilli laga cabsi qabay in xildhibaano taageersan Villa Somalia ay isku dayaan inay joojiyaan si doorashada dib loogu dhigo, taasi oo aan dhicin.

Hase yeeshee, markii uu soo dhammaaday kulanka ayaa waxaa ka dhacay buuq ay abuureen labo xildhibaan oo qaraabo la ah madaxweyne Farmaajo kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire iyo Cabdullaahi Kulane (Kulane Jiis).

Labada xildhibaan ayaa la arkayey iyaga oo ku buuqaya kursiga guddoonka ku-meel gaarka ah ee labada aqal, taasi oo sababi rabtay in gacanta la isku qaado.

Kaamirooyinka warbaahinta ayaa qabatay xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo u fak-fakanayo xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha ugu culus ee mucaaradka, kaasoo xildhibaanada buuqa sameynayey ugu baaqayey inay ka ag fogaadaan guddoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaan Kulane Jiis oo NISA ka tirsanaa baarlamaanka kusoo biiray uu u gacan qaadi rabay guddoonka ku-meel gaarka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad), inkastoo aan ka helin caddeymo.

Cabdishakuur Cali Mire iyo Kulane Jiis ayaa kasoo horjeeday in maanta uu Baarlamaanka ansixiyo jadwalka doorashada guddoonka Baarlamaanka Labada Aqal taas ugu dambeyn ku dhammaatay si aysan ku qanacsaneyn.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in deg deg ah loogu doorto guddoonka labada aqal, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, taasi oo xildhibaanadan la sheegay inay doonayeen inay ka hortagaan.