R/W ROOBLE oo shaaciyey ujeed laga lahaa weerarkii lagu qaaday xarunta BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday ujeedka laga lahaa weerarkii maanta lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu ka socday kulan wadajir ah oo ay yeelanayeen labada Aqal.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble lagu yiri  “Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya waxa uu cambaaraynayaa falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ujeedada weerarkii hoobiyayaasha ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu cabsi gelinayey baarlamaanka, si loo carqaladeeyo dhameystirka doorashada.

“Isku dayga Maanta waxa uu ahaa fal fulaynimo ah oo la doonayay in lagu cabsigaliyo Baarlamaanka oo ku guda jira waajib gudashadiisa dastuuriga ah si loo cuuryaamiyo in doorashadu dhaqso u dhammaato,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska Rooble kasoo baxay.

Dhinaca kale, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaalka Baarlamaanka Federaalka ee dhameystirka doorashada guddoonka labada gole iyo jadwalkii lasoo saaray Maanta.

Warka kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa ku soo beegmaya xilli maanta labada Gole ay yeesheen kulan wadajir ah, kaas oo ay ku meel marinayeen jadwalka doorashada guddoonka labada gole ee baarlamanka federalka Soomaaliya.

Kahor kulanka ayaa waxaa jiray cabsi xooggan oo laga qabay in taageerayaasha madaxweynaha Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay fowdeeyaan kulanka, si dib loogu dhigo doorashada guddoonka labada aqal.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in deg deg ah loogu doorto guddoonka labada aqal, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Hadalka kasoo baxay ra’iisul wasaare waxaa laga fahmi karaa in eedda uu jeediyey ay tahay mid siyaasadeysan, ayada oo aanu si toos ah cid gaar ah u magacaabin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas iyadoo sheegtay in madaafiicdu ay dhaawaceen ugu yaraan 7 ruux oo isugu jira shaqaalaha Baarlamaanka iyo askar ilaalo u ahayd qaar ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka.