MAHAD SALAAD oo digniin soo saaray iyo CC SHAKUUR oo ku baaqay in shacabku qarxaan kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xildhibaan Mahad Salaad ayaa markii u horeysay ka hadlay dilka Sakariye Maxamuud Xuseen Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo ahaa laba walaalo ah oo xalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku dileen magaalada Muqdisho.

Waxay ugu horeyntii ehelka iyo asxaabta marxuumka uga tacsiyadeeyen geerida xanuunka leh ee ku timid Sakariye iyo Sowdo, waxayna Alle uga baryeen in uu samir iyo iimaan ka siiyo dadkii ay ka baxeen.

Sidoo kale waxay laamaha amniga ka dalbadeen in si deg deg ah u soo qabtaan cadaaladana u horkeenaan gacan ku dhiigleyaashii fal dembiyeedkaas geystay.

Mahad Salaad ayaa asaguna si adag uga digay in la raad tiro dambiileyaasha dilkaas bareerka ah geystay, si looga leexiyo ciqaabta ay istaahilan.

“Waxaan xanuunka geerida la qaybsanayaa qoyska reer Maxamuud Kalafoge dilka bareer ah ee loo geystay wiilkooda Sakariye iyo gabadhooda Sowdo,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhankiisa ku baaqay in kacdoon weyn ay sameeyan shacabka Soomaaliyeed, maadama uu sheegay in dowladdii xilkeedii dhamaaday ay diidan tahay in wax laga qabto dhibaatooyinka taagan.

“Haddii kuwii ubadkooda Eretrea loo qaaday waxba loo qaban. Haddii ehelkii gabadhooda NISA lagu dhex dilay xaqoodii la duudsiiyey. Haddii Sowdo iyo Sakariye dilkooda waxba laga qaban doonin. Haddii dilka, dhaca iyo amni darradiina sii baahday. Haddii shacabka canshuur Al-Shabaab iyo dowladdu ka wada qaadayaan, amni iyo caddaaladna aysan haysan, maxaa diidaya inay dadku qarxaan oo ay dulmiga iska qaadaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa kale oo uu ku eedeeyay dowladda xilkeedii uu dhamaaday inay diidan tahay inay dalka doorasho nabad ah ka qabato, oo ay keliya dooneyso in xoog iyo boob wax ku qaadato.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada dowladda federaalka u rasaaseeyeen mootada ay saarnaayeen walaalahan, hase yeeshee waxaa marar badan dhacda in ciidanka dowladda ay rasaas macno darro ah iska furaan ama ay isku dayaan inay ku furtaan waddooyinka marka jaam uu jiro.

Ciidamada dowladda ayaa boqolaal qof oo shacab ah ugu dila Muqdisho sabab la’aan, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii