Wararkii ugu dambeeyey xaaladda kuraasta muranku ka taagan yahay ee Jawaari iyo Yaasiin Fareey (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa weli kor u haya natiijada kursiga muranka uu hareeyey ee HOP#P67 kaasoo beeshii laheyd ay si weyn u qaadacday qaabkii loo maareeyey.

Kursigan oo uu soo qaatay taliyaha kumeel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey, waxaa cabasho ka qaba dhowr musharax, waxaana shalay kulmay guddiga xallinta khilaafaadka, musharixiinta kursigan u taagnaa iyo ddayaal dhaqameed uu ku jiro saxiixihii kursigaan Cali Jeesto.

Guddiga waxaa loo sheegay in habka loo wajahay kursigaan ay qalad tahay. Ninkii saxiixi lahaa kursigaan ayaa xaqiijintiisa lala wadaagay guddiga xallinta khilaafaadka.

Maadaama qofka saxiixaya kursigaan uu yahay qof si weyn loo yaqaan waxaa aad isha loogu hayaa waxa guddiga khilaafaadka ay qiil ka dhigan doonaan haddii ay soo fasaxaan natiijada kursigan oo ay u sharciyeeyaan Yaasiin Farey, wallow ay jiraan warar xooggan oo sheegaya in doorashada kursigaan la kansali doono.

Mid kamid ah guddiga xallinta khilaafaadka oo diiday inaan magaciisa xigano waxa uu sheegay inuu cadaadis badan ka heysto dhanka Villa Somalia iyo taliska NISA oo ah inay kursiga u fasaxaan Yaasiin Farey.

Mid kamid ah musharixiintii u taagnaa kursigaan isna wuxuu sheegay inay guddiga xallinta khilaafaadka la wadaageen inuu culeys badan ka heysto dhanka Dowladda, wuxuuna rajo xumo ka muujiyey inay ku dhiiran karaan inay ridaan go’aan diidmo ah.

Reerka kursigaan leh waxaa u diyaarsan doorasho is garab taala oo kursigaan ah haddii kursigooda aan lasoo celin oo aan loo marin hab sax ah. Guddiga xallinta waxaa lasoo warinayaa inay aad uga fiirsanayaan natiijada kursigaan.

Warar hoose oo aan helnay waxay iyaguna sheegayaan in lagu qalqaalinayo guddiga inay dib isaga dhigaan in muddo ah natiijada kursigaan, taasoo ah aragtida labaad ee Villa Somalia haddii lagu dhiiran waayo in natiijada la aqbalo.

Mudda dheer waxaa laga cararayey laba doorasho oo is garab taala, laakiin waxaa jirta cabsi ku saabsan in kursiga HOP#67 uu furo u noqdo doorashooyin is barbar yaac ah oo ka bilowda salka.

Daahir Maxamuud Geelle, Jabriil Ibraahim Cabdulle, Thaabit Cabdi Maxamed iyo Caddow Cali Gees oo dhammaan qaba damac madaxweyne Soomaaliyeed ayaa kamid ah siyaasiyiinta Jufada iska leh kursigaan, taasoo sii adkeeneysa in xiisadda kursigaan ay si fudud kusoo idlaato.

Madaxda Galmudug ayaa iyagana la sheegay inaysan waxba ka dhihin buuqa kursigaan ka dhashay oo u muuqda inuu usoo wareegay dhanka Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, kursiga HOP#103 ayaa kamid ah kuraasta sida weyn la isugu heysto. Kursigaan waxaa muddo dheer ku fadhiyey Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaasoo laba jeer noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Jawaari ayaa ku dooday in loo diiday xuquuqdii Dastuuriga aheyd, wuxuu kasoo tagay Magaalada Baydhabo kadib markii laga hor istaagay fursadihii tartanka oo dhan.

Kiiska Jawaari lagu celiyey waxaa la sheegay inuu ahaa mid siyaasadeed oo looga hor-tagayey inuu berri qaato kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xubno kamid ah waxgaradka beeshiisa oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa cambaareeyey tallaabadaas, waxayna sheegeen inay dhaawac weyn tahay in Jawaari laga hor istaago inuu cod waydiisto Beeshiisa.

Howsha kursiga Jawaari waxaa Magaalada Baydhabo u tagay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro. Horey waxay guddigaasi u joojiyeen doorashada kursigaas laakiin hadalkooda lama dhageysan, waxay la kulmeen Jawaari haddana waxay ku jiraan shaqo culus.

Ilo guddigaasi ka tirsan waxay sheegeen inay macquul tahay in mar kale natiijada kursigaas la laalo. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale la sheegay inuu kamid yahay dadka aan ku qancin sida loo wajahay xaaladda kursigaas.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagreen oo la kulmay Rooble waxaa heysta culeys badan oo la xiriira sida uu Jawaari ula dhaqmay. Aad ayey u xooggan yihiin wararka sheegaya in doorashada kursiga HOP#103 la tuuri doono.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii