Ehellada wiilkii iyo gabadhii walaalaha ahaa ee xalay lagu dilay Muqdisho oo sheegay inaan la aasi doonin (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Zakariye Maxamuud Xuseen Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo ahaa laba walaalo ah oo xalay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku dileen magaalada Muqdisho ayaa waxaa meydkooda la dhigay Isbitaalka Somali Sudanese.

Qaar ka tirsan ehelada marxuumiinta ayaa warbaahinta u sheegay inaan meydka marxuumiinta la aasi doonin inta caddaalad looga helayo sidaasna ay ku heshiiyeen dhammaan qoyska.

“Labada marxuum ee walaaha ah ee la dilay meykooda wuxuu noogu jiraa firiij, waxaana isku afgaranay inaan la taaban Meydkaas illaa loo helayo ciddii dishay, illaa hadda ma heyn cid arrintaan nagala hadasha iyo ciddii dishayba, waxaa noo muuqato inaysan jirin wax caddaalad ah,” ayuu yiri Aabe kamid ah ehellada marxuumiinta.

Cabdirashiid Maxamuud Xuseen oo ah wiil la dhashay labada marxuum ayaa isna dhankiisa sheegay inay dowladda uga fadhiyaan in arrintaan la marsiiyo wadada caddaaladda.

“Zakariye iyo Sowdo waxay ahaayeen Wiil iyo Gabar isla dhashay oo iga yar waxna bartay, wuxuuna shilka kula dhacay Isgoyska Dabka, wixii dhici lahaa way dhaceen, waxaan rabnaa inaan caddaalad helno, waxaana uga fadhinaa dowladda Soomaaliya, illaa aan caddaalad helnana lama aasayo marxuumiintaas inta ay rabto ha qaadato,” ayuu yiri Cabdirashiid.

Sidoo kale qoyska Marxuumiinta ayaa sheegay in meesha lagu dilay ilmahooda aysan aheyn meel luuq ah ama tuulo oo ay tahay caasimaddii dalka iyo wadadii ugu muhiimsaneyd magaalada ee Dabka.

“Zakariye iyo Sowdo waxaan nahay walaalo, waxaa dhalay adeerkey Aabahey la dhashay, waa dhacdo aad u xanuun badan, waa wiil yar oo hadda Jaamacad dhammeeyey iyo Gabar yar oo ah laba da’ oo iska xigta, meesha ay ku dhinteen Tuulo maahan, Luuqna ma aheyn waa wadada Dabka, cid ay dambi ka galeyn malahan, ciidamo hubeysan ayaa dilay, haddii ay caddaalad jirto anaga caddaalad ayaan rabnaa,” ayey tiri hooyo kamid ah ehallada marxuumiinta.

“Horta dhacdo xanuun badan ayaa nagu dhacday, wixii nagu dhacay waa khadar Allah keenay, laakiin cadow ayaa na cunay, garabkeena ayaa la jaray, xaqeena oo lagu dhibtoon midigteena si fudud Allaha usoo geliyo, Maalinta kasta waxaa la dilayaa Ilmihi aan korinay oo waqti badan gelinay sidaan wax u bari laheyn, sidaan Maanta adduunka ugu murugoonay wixii dilay Allaha qabriga ku tuso mugdi” ayey tiri hooyo kale oo kamid ah ehelada marxuumiinta.

Laamaha Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin falkaan dhacay Xalay, sidoo kalana weli wax faah-faahin ah lagama hayo askarigii furay rasaasta, waxaana markii ugu war dambeysay ay goobjoogeyaal sheegeen in isaga iyo ciidankii la socday ay gaarigii ay wateen uga tageen isgoyska Dabka.

Ciidamada dowladda ayaa boqolaal qof oo shacab ah ugu dila Muqdisho sabab la’aan, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Ehelada Marxuumiinta

 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii