Mahad Salaad oo si yaab leh uga hor-yimid kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada mucaaradka ee Baarlamaanka ayaa si yaab leh u sheegay inaysan waxba ka jirin warbixinada ay soo saartay wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya ee lagu sheegay in Soomaaliya laga helay kiisas ku saabsan cudurka Corona Virus.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu shakhsiyan la hadlay qofka labaad oo ay Maanta Wasaaradda Caafimaadka sheegtay in laga helay cudurka Coronavirus isla markaasa uu u sheegay inuusan isku arkin wax calaamad ah oo muujinayo inuu qabo cudurkaas.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa xusay in arrintaan ay tahay mid mashruuc ah oo la doonayo in lagu helo lacag sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay inaysan aqbali karin in argagaxa Shacabka Soomaaliya lagu raadiyo lacag, isagoo ku baaqay in saraakiisha Wasaarada Caafimaadka ee arintaan sheegay aan looga harin sheegashadooda ee baaritaan dheeri ah la sameeyo.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Mahad Salaad Facebook kusoo qoray

Waxaan mardhow wada hadalnay wiilka la yiri waxaad qabtaa caabuqa Coronavirus wuxuu ii sheegay in uusan arag wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaan. Wiilkaan ayaa ka mid ah dhalinyaradii saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee tababarka u aaday dalka Talyaaniga oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Mogadishu, mudo 9 beri ah ayuuna meel ku karantiilnaa isaga iyo dhalinyaradii la socday.

Haddaba, su’aashu waxay tahay qof 9 maalmood meel ku karantiilnaa, ilaa hadana wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaas aysan jirin sidee loo dhihi karaa waad xanuunsan tahay. Sidoo kale sida Wasaarada Caafimaadka noo sheegtay qalab lagu baaro cudurkaan ma yaalo Soomaaliya marka sidee ku ogaadeen?

Waxaa ii muuqda cudurkaan in uu noqday mashruuc lagu qaraabanayo oo la rabo aduunka in lacag looga cuno, mana ahan wax la aqbali karo in dadka Soomaaliyeed la argagax geliyo si dhaqaale looga sameeyo. Sidaas daraadeed waxaan ku talinayaa saraakiisha Wasaarada Caafimaadka ee arintaan sheegay in aan looga harin sheegashadooda ee baaritaan dheeri ah la sameeyo!

Hon. Mahad Salad