Mahad Salad oo 3 arrin ku weeraray xubnihii loo diiday inay ka dhoofaan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah mudanayaasha Golaha shacabka baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay dhacdadii shalay Garoonka Aadan cadde ku qabsatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Somalia Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo loo diiday inay ka dhoofan garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Salaad, waxa uu taageray go’aanka ay ciidamada AMISOM ku celsheen mas’uuliyiintaas oo doonayay inay ka dhoofan Garoonka.

Mahad Salaad waxa uu tilmaamay in ficilka lagula kacay Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka uu yahay mid munaasib ku ah mas’uuliyiinta.

Waxa uu tilmaamay in mas’uuliyiintaas horay looga waayay la xisaabtanka ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay ka gudbeen xadka loogu tallo galay.

Hoos ka akhriso qoraalka kooban ee Xildhibaan Mahad Salaad uu ku taageray ficilka AMISOM:

Gudoonka Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka) maanta in ay ka hadlaan tacadiyada Amisom ceeb ayay ku tahay ee ha iska aamuseen, sababtoo ah:

1-Shalay markii baabuurta Amisom dadka shacabka ah ku dardarayeen dariiqyada magaalada Mogadishu ee aan laga hadleyn mararka qaarna iyaga qaarkood cudurdaarka u sameynayeen tacadiyadooda Amisom ma saxneyd?!

2-Shalay markii ciidamada Amisom ay ku laynayeen KM4 ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya (NISA) ee cid ka hadasha iska dhaafe xitaa cid usoo tacsiyeyday aysan jirin Amisom ma saxneyd?!

3-Shalay markii Xildhibaanadii u doortay iyaga gudoon in ay u noqdaan inta baabuurta laga dajiyo iyaga iyo baabuurtoodaba eeyada lagu baarayay Amisom ma saxneyd?!

Maanta in ay ka hadlaan wadada ayaa naloo diiday iyo askartii ayaa nalaga reebay ceeb ayay ku tahay ee ha iska aamuseen.

Sababtoo ah iyaga ayaa shalay ka gaabiyay in ay sharciyada ilaaliyaan. Amisom na lala xisaabtamo!

Hon. Mahad Salad