Aqri: Ethiopia-yada cusub, fursadaha iyo caqadaha hor-yaal SOOMAALIDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dooda beryahaan ka dhex socota Somaalida ee ku aadan Ethiopia-yada cusub iyo booqashadii RW Abiy Ahmed ee Dalka Somaliya ayaan ku darsanayaa aragti kooban!

Waxaa haboon markii laga hadlayo ama laga doodayo arrinta labadaan Dal ee deriska ah, cadaawad dheerna soo martay ilaa 500 sano uuna sugayo mustaqbal dheer inta dunidu jirto in meel la iska dhigo 3 arrimood;

A)-Aragtida Negative100% ah ee weli joogta 1977 iyo wixii ka horeeyay ama dawladihii Amxaarada iyo Tegreega.

B)-Aragtida Posative 100% ah ee ku dhisan Jadbada iyo is dhiibka xisaab la’aanta ah.

C)-Ku xummeynta Dawladda Nabad & Nolol; Farmaajo iyo Khayre ka hor ayey jirtay cadaawada iyo xiriirka Ethiopia iyo Somaaliya kadibna waa jiri-doontaa, waana Qadiyad Umadeed ee ma aha arrimo Shakhsi.

Waxaana habboon in aragtida lagu cabiro; 50% Fursadaha jira oo la horumarin karo iyo 50% Caqadaha iyo Cabsida jirta oo ka dhalatay Taariikhdii hore ee lasoo maray, una baahan in loo hawl-galo sidii loo bedeli lahaa iyo Is-faham ama Is-afgarad bilaw ah oo u baahan dhameystir.

Waxaa cad oo marag ma doonto ah; in Ethiopia uu ka dhashay Kacaan cusub oo wax ka bedelay kana bedeli-doona Taariikhdii iyo Xukunkii Ethiopia ee gudaha iyo dibadda.

Waxaana cadeyn u ah sida uu ku yimid Abiy Ahmed iyo Talaabooyinka is-bedel ee uu qaaday gudaha iyo dibadda ee ayasan raali ka noqon Qawmiyadihii Xukunka haysan-jiray ee Amxaaro iyo Tegree.

Hadaba Su’aalahaan ayey tahay in ay is-wadiiso Somaalidu marka ay ka hadlayso xiriirka Ethiopia iyo Somaaliya:

1-Oromo ma tahay Tegree iyo Amxaaro oo kale? Mise arrimo badan ayaan wadaagnaa sida; Taariikh gaar ah, Islaamnimo, Dhalyo, Dhul, Derisnimo, Dulmi iyo kala qeybin naloo wada geystay, Abaal hore iyo soo dhawayn 77 aan ku leenahay iwm.

2-Hadii aan Ethiopia ka xirano Badayna maxaa u diidaya in ay naga xirato labada Webe ee Jubba iyo Shabeelle? Sida Masar ay maanta uga baqeyso Biyaha Niil, gaar ahaan labada Webi oo noo ah Nolosha barkeed ama ka badan waxa ayna soo wada maraan dhulka Oromada, Teknoojida maantana waxa ay sahlaysaa in la xiri karo ama la leexin-karo.

3-Haddii 6 Maamul-gobal oo uu ugu danbeeyay Hirshabeelle ay galeen heshiisyo xisaab la’aan ah welina diyaar u yihiin! Maxaa loogu diidayaa Fedaraalka?.

4-Haddii Siyaasiyiinta Somaalida ay rabaan in ay Xildhibaan, Wasiir iyo Madax marba mid ka noqdaan Somaliya, Kenya, Ethiopia iyo DJibouti maxaan ku diidnaa in aan toos wax iskugu darsano?

5-Hddi Siyaasigii, Ganacsadihii iyo Aqoonyahankii saf ugu wada jiraan, kharash badana ku bixinayaan Passborka iyo Dhalashada Ethiopia, Kenya iyo DJibouti, markii laga reebo inta haysata dhalashada Europe iyo America! Xageen ka helaynaa cid Madaxbanaan oo Matasha Somaaliya?.

6-Haddii Ganacsatadii Somaalida ay marti u yihiin Dekedda Mombasa si ay Ganacsiga u gaarsiiyaan Wadamada aan Badda lahayn ee Uganda, Burundi, Ruwanda, South Sudan, Centaral Africa iwm, Mar kastana jidka iyo Wadamadaas lagu dhaco ama lagu dilo maxaa loogu diidaa haddii ay Baddooda ka degsan karaan gaarsiina karaan ilaa Afrikada dhexe?

7-Haddii Sudan, Eritrea iyo DJibouti ay diyaar u yihiin in ay Badd iyo Dekedo siiyaan Ethiopia maxaa noo diidaa in aan la tartano?.

8-Haddi Ethiopia ay haystaan Mashaakil; Siyaasadeed, Amni, Dhaqaale, Gobalaysi, Qabyaalad, Welina ay ka jiraan Gobala raba in ay go’aan iyo Jabhado hubaysan, maxaan u aaminay in ay naga xoog badantahay ama ay na liqi karto? Arintu Tiro miyaa! Mise waa Tayo? 77 anaga oo ka tiro iyo hub yar ayaan ka xoog badinay Libaaxyadii Afrika ilaa Nato iyo Warso u soo gurmafaan, hadana waa ka tiro iyo waaya aragsanahay 77, waana soo jeednaa!.

9-Haddii Ethiopia dal dhan ay qaadan karto Eritrea ayey qaadan laheed oo Somaaliya uga muhiimsan ee sidey Somaaliya oo ka tiro iyo xoog badan Eritrea ku qaadan kartaa?.

10-Haddii xilligii Tegreega ee Somaaliya dayacneed gacantana ay ku hayeen Madaxdii Jabhadaha, Maamuladii Gobalada iyo Dawladihii ku meel-gaarka ahaa qaadan kari waayeen? Sidee maanta oo Oroma ka taliso Ethiopia, lana eryay Taliyaashii Naas-nuugin-jiray Madaxda Gobalada ku qabsan karaa dalka Somaaliya oo leh Dawlad la aqoonsanyahay?.

Ugu danbayn waxaan kusoo koobayaa:-

1-Haddii RW Abiy Ahmed uu ka dhabeeyo talaabooyinka uu bilaabay waa guul u soo hoyatay Somaaliya iyo Ethiopia, hadiise uu maro jidkii Tegree iyo Amxaaro Ethiopia waxaa sugaya burburkii Somaliya oo kale.

2-Dawladda Fedaraalka waxaa laga rabaa in ay dadka u caddeeyso heshiis kasta iyo talaab kasta oo loo qaadayo dhanka Ethiopia laguna bilaabo mar kasta Madaxbanaanida iyo Midnimada dalka, heshiiskana lagu daro Biyaha labada Webe, Khubaro iyo Farsamo yaqaanno na ay adeegsato, lana mariyo Golayaasha Fedaraalka si looga bogsado xanuunadii hore.

3-Siyaasiyiinta iyo Aqoon yahanka Somaaliyeed waxaa laga rabaa in ay joojiyaan Yasida Dalkooda iyo Dawladooda iyo Ceebaha Dalkooda oo ay u Tarjumayaan Ajnabiga, kuma helayaan Magac iyo Sharaf e !!!.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com