Saudi Arabia oo fulinaysa qoshe cusub oo gebi ahaan beddeli doona dalka Qatar

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladad Sacuudiga ayaa billowday inay soo-jeedinno ka qabato shirkadaha ku loolamaya inay fuliyaan mashruuca Kanalka biyaha Salawa, oo noqon doona mid dalalka Sacuudiga iyo Qatar kala qeybiya.

Hamiga Sacuudiga ee mashruucan ayaa ah in kanal biyo ah la mariyo xuduudda dalkaas uu la wadaao Qatar, taasi oo dalka Qatar ka dhigi doonta jasiirad.

Sida ay ku warrameen warbaahinta Sacuudiga dhismaha kanalkan ayaa lagu soo geba gebeyn doonaa muddo sanad ah.

Isniintii ayaa Saud al-Qahtani oo ka mid maxkamadda boqortooyada Sacuudiga, islamarkaana la-taliye u ah Maxamed Bin Salman, wuxuu yiri “Waxaan billaabaynaa qodista kanalka Salwa. Hambalyo dadka Sacuudiga, mashruucan wuxuu dalka yar ee argagixisada ah ee Qatar ka dhigi doonaa jaziirad”.

Kanalka ayaa dhererkiisa noqon doonaa 60 km, ballaciisa 200 oo mitir iyo quus dhan 15-20 mitir, waxaana laga qodayaa qeybta dalka Sacuudiga ee jaziiradda Salwa.

Mashruucan ayaa waxa uu ku kici doonaa 750 milyan oo dollar, waxaana maal-gelinaya shirkado gaar loo leeyahay, iyo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe lagu sii go’doominayo dalka Qatar oo xulufada Sacuudiga ay horey u saareen go’doomin xagga bariga, badda iyo hawada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com