Daawo wareysi xasaasi ah: Prof. Samatar iyo heshiiska Soomaaliya iyo Ethiopia

Aqoonyahan Prof Abdi Ismail Samatar oo wareysi gaar ah siiyey Tv-ga Universal xaruntiisa Maraykanka ayaa kaga hadlay is afgaradkii dhawaan ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaasi oo uu ku tilmaamay mid aanan la qaadan karin.

Prof Samatar ayaa aad u dhaliilay siyaasada Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre kuwaasi oo uu ku sheegay in aysan u diyaar garoobin heshiiskii ay la galeen Reysul wasaaraha itoobiya Dr Abey Ahmed, markii arintaasi ka hadlayey “ iminka waxaa arkaysaa Reysul Wasaaraha Itoobiya waa nin himilo dheer leh oo dardar ku socda, nin nasanaya ma ahan oo waxaa u muuqda in uu horseed ka noqdo itoobiya ka duwan tii hore balse waxaa is leeyahay qolooyina Xamar joogo meel uma muuqato oo waxaa u muuqda madaxnimadooda, halka Dr Abey ay u muuqato in Itoobiya laga maamulo gobolka oo dhan,

Mar uu ka hadlayey in Itoobiya ay leedahay hanti ay ku maal gashan karto Soomaaliya ayaa waxa uu yiri “Itoobiya 100 Milyan ayey ku dhaw yihiin laakiin 80 Milyan oo ka mid ah waa fuqaro sidaasi daraadeed Dr Ahmed wuxuu shaqo u raadinayaa dadkaasi oo Oromo u badan.

Dhanka kale mar uu ka hadlayey Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in si deg deg ah ay arintani u joojiyaan, “ Baarlamaanka laba uun bay mid noqon doontaa, dad jeebka la gashaday oo inta shilimaad loo tuuray oo sida la doonayo laga yeesho, waxay ahayd in Afhayeenka Baarlamaanka uu warqad deg deg ah u qoro baarlamaanka arintaasi laga shiro.