Dhageyso: Salad Cali Jeelle oo si cajiib ah uga hadlay heshiiska DF iyo ETHIOPIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir jaraa’id oo maanta ku qabtay magalada Muqdisho, ayaa siyaasiga Salaad Cali Jeelle waxa uu marka hore kaga hadlay, kuna soo dhoweeyey heshiiskii sabtidii ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in uu yahay heshiiskaas mid wanaagsan, oo loo baahan yahay in la taageero maadaama dowladda hadda jirta ay tahay mid horey u socota.

“Waxaa muhiim ah in heshiisyada ay galeyso dowladda la taageero, la iskana daayo dadka si kale wax u dhigaya oo argagaxisada u shaqeeya, annaga haddii aan nahay siyaasiyinta iyo shacabka intaba waxaa nagala rabaa in aan farta ku fiiqno dadka diidan dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Heshiiskii ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa qeyb ka ahaa in dowladda Itoobiya ay maagashato 4 ka mid ah dekadaha Soomaaliya, taas oo ay dhaliileen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo shacabka intaba.

Hoos ka dhageyso codka Salaad Cali Jeelle

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com