Qarax culus oo ka dhacay magaalada MUQDISHO iyo khasaare ka dhashay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay in gaariga loogu xiray wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu ahaa arday, kaa oo ku dhaawacmay Qaraxa.

Qaraxa ayaa dhacay xili uu gaariga maraayay agagaarka isgooska xaaji baasto ee wadada Makka Al-Mukarama,waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen laba ruux oo uu ku jiray wadaha gaariga.

Gaariga oo afafka hore looga xiray Qaraxa ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan, waxaana sida caadaduba aheyd Qaraxa kadib goobta gaaray ciidamada amnaanka.

Sidoo kale, Gaariga ay wateen ayaa ahaa nooca Raaxada ee loo yaqaano isbaashiyo,iyada oo dhaawaca Gabadha iyo Wiilka la geeyey Isbitaalka Daaru Shifaa ee Magalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Qaraxaani ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo magaalada Muqdisho ka dhaca tan iyo markii la galay Bisha Ramadaan ilaa iyo hadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com