Daawo: Muxuu Faysal Cali Waraabe ka yiri heshiiska 4-ta dekad ee Soomaaliya?

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Heshiiska magaalada Muqdisho ku dhexmaray Dowladaha  Somalia iyo Ethiopia.

Eng. Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Heshiiskaasi uu yahay mid ku ek keliya Somalia, isla markaana Somaliland ay tahay mid ka madaxbanaan.

‘’Somaliland waa gaar inagu Madaxweynaheenu iyo Hay’adaheenu waa kuwo noo gaar ah Ethiopia jaar ayey nala tahay’’

‘’Somaliland heshiis seddex geesood ah ayey la gashay Ethiopia oo Dakadaheena ah, hadaba heshiiskaasi waxa uu u gaaryahay Somalia, anagu Somaliland ayaa nala yiraa’’

‘’Madaxweynaheenu waa Muuse Biixi, kan Somalia waxaa la yiraa Farmaajo yaan leysku khaldin lama magacaabin afarta Dekadood ee lagula heshiiyay Ethiopia’’

‘’Somalia xaq bey u leedahay inay gasho heshiis laakiin kuma jirto Somaliland, adduunku wuu isku soo dhawaanayaa heshiisna waa la kala gali karaa’’

Waxa uu Eng. Feysal Cali Waraabe sheegay in Social Media-yaha ay wareegayaan warar uu ku sheegay in Ethiopia ay tahay cadowga Somalia, waxa uuna ku baaqay in meesha laga saaro Uqdada maadaama uu yiri Somalia ay ku baxsatay Ethiopia.

Eng. Feysal Cali Waraabe, waxa uu ku celceliyay in Somalia ay dan ugu jirto wada shaqeyn ay la yeeshan Ethiopia, si buu yiri loo gaaro nabad iyo kala danbeyn.